Hargeysa (Berberanews)- Maayar Ku xigeenka caasiamda Hargeysa, ahna Ku Simaha Maayarka Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa gaashaanka ku dhuftay mooshin maamuus ka xayuubin ah oo ay dalbadeen xubno ka tirsan golaha deegaanka oo ku eedaynaya inuu luunsaday hantidii dawladda hoose ee ummadda ka dhaxaysay.
Md. Jiciir waxa uu meesha ka saaray inuu jiro wax musuqa oo uu ku kacay mudada uu xilka maayarka hayo, islamarkaana ay sharci daro tahay mooshinka xildhibaannadu wataan oo uu sheegay inuu dhammaaday wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay, issagoo xeerka goleyaasha deegaanku dhigayo inaan sanadka u danbeeya xilka laga qaadi Karin maayarla iyo ku-xigeenkiisa, “Arrimaha Xildhibaanada Golaha deegaanku soo jeediyeen oo ay ku codsadeen fadhi aan caadi ahayn oo xilka lagaga qaadayo Maayar-ku xigeenka runtii Xildhibaanadu aad ayay u mahadsan yihiin xaqna way u Leeyihiin inay soo jeeddiyaan, laakiin xeerka aanu ku shaqayno Gole deegaan ahaan oo ah Xeer Lr 33/2003 waxa uu dhigayaa inaanay Xildhibaanada Golaha deegaanku xilka ka qaadi Karin Maayarka iyo ku xigeenkiisa sanadka ugu dambeeya ee muddo xileedkooda, imikana waxaanu ku jirnaa muddo dhaaf oo waanu dhamaysanay waktigii la soo doortay Golaha deeggaanka,”ayuu yidhi Maayar-kuxigeenka Caasimadda Md. Jiciir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanes.com