Puntland-(Berberanews)- Madaxwaynaha Dowlada DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Axmad iyo uu hogaaminayo ayaa maanta markii u horraysay tegay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland , halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen madaxda Puntland iyo shacabkuba.
Waftiga madaxwayne Shariif oo salaam-sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka Puntland ah waxa isaga iyo weftigiisu soo kormeereen qaar ka mid ah kaamamka ay dagan yihiin dadka barakacayasha ah ,islamarkaana socdaal lugta ah ku maray wadada laamiga oo ay tubnaayeen boqollaal qof oo soo dhawayntiisa ka qaybqaatay.
Waftiga Madaxweynaah Soomaaliya ayaa imaanshahooda la filayey maalmihii ugu danbeeyey, waxaana ay imika imaanayaan xili afgarad laga gaaray Kulamadii ay Wasiirada Puntland Iyo kuwa TFG-du qaadanayeen kuwaas oo dawlada Puntland laga qancinayey arimo ay mudooyinkii u danbeeyey ka xumaatay markii danbena kaliftay inay xidhiidhka ugu jarto Maamulka Madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha Soomaaliya oo duhurnimada ka soo degay Garoonka Garoowe waxaa soo dhawayntiisa ka qaybgakay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hore ugu sugnaa Garoowe Iyo Madaxda ugu sarsaraysa Puntland, Waxaana aad loo adkeeyey amaanka caasimada iyadoo soo dhawayn heer qaran ah loo sameeyay.
madaxweyne Shariif ayaa socdaalkiisu la xidhiidhaa sidii uu madaxda Puntland ku qancin lahaa in la soo celiyo xidhiidhkii xummaaday ee Puntland iyo Somalia, islamarkaasna waxaa uu Puntland ku casumi doonaa shirka Soomaalida ee Muqdisho lagu qabanayo kaasoo ay Puntland u egtahay inay imika ka biyo diidsantahay.
Maxamed C/qadir Dacar
dacaryare22@hotmail.com
berberanews.com
Puntland