Sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka Puntland oo xalay lagu dilay Garoowe

Puntland-(Berberanews)- Kooxo hubaysan ayaa xalay ku diley magaalada Garoowe ee caasimada Puntland sarkaal ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Puntland gaar ahaan kuwa PIS-ta.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Col.Xirsi Jaamac Dhangad ayaa waxaa lagu diley xaafada Waaberi ee magaalada Garoowe waxaana la xaqiijiyey inay baxsadeen kooxihii dilka sarkaalka geystey.
Dilka Marxuum Col. Xirsi ayaa ku soo aadayaa iyadoo amaanka magaalada Garoowe xalay uu ahaa mid si weyn looga dareemayo dhaqdhaqaaq xoogan kaasoo loogu gogol-xaadhayay booqahada  uu magaalada Garoowe maanta ku yimi madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 
Xidhiidho aanu isku daynay inaan la sameyno masuuliyiinta  Puntland oo ku aadan dilka sarkaalkan iyo xogta wararka booqashada Sheekh Shariif ayay inoo suurtagali wayday.



wakiilka berberanews ee Garoowe
Maxamed C/qadir (nuune)
dacaryare22@hotmail.com