Ururka Samo-falka GUDDOON Oo deeqo kala duwan gaadhsiiyay cisbitaalka dhimmirka Hargeysa iyo carruur agoomo ah

 
Hargeysa-(Berberanews)- Ururka samo-falka khayriga ah Guddoon oo ka shaqeeya waxbarashada dhinaca diiniga ah ee haweenka iyo carruurta oo xaruntiisu tahay Hargeysa, ayaa deeqo kala duwan gaadhiiyay dadka dhimmirka wax ka qaba eek u jira cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo carruur agoomo ah oo la guddoonsiiyay lacag caddaan ah oo ay ku ciidaan.
Ururka Guddoon waxay guddoonsiiyeen dhar  ay ugu tallogalleen inay ku  ciidan 70 qof oo ka mid ah dadka xiskooda Ilaahay ka qaaday ee ku jira cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo 35 kartoon oo timir ah iyo laba kartoon oo caano ah.

Sidoo kale, ururku waxa uu midkiiba $75 doollar siiyeen carruur agoomo ah oo  tiradoodu dhan 20 cariira, Kuwaasoo ay ugu tallogaleen inay ku ciidaan munaasibadda ciidal-fidriga.
Hinda Cabdi Xirsi, oo ka mid ah hawlwadeennada Guddoon, ayaa sheegtay inay deeqdani tahay mid ay ka soo qaadeen dadka kale ee islaamka ah, waxaanna hadalladeeda ka mid ahaa, “Guddoon wuxuu ka shaqeeya samo-falka iyo wacyigelinta umadda, waa sanadkii shannaaad ee ururu walaalahoodan kala qaybqaato munaasibadda ciidda ee aanu deeq soo gaadhsiino.

Allaabtani waxay ka koobantahay 35kartoon oo timir ah, laba kartoon oo caano ah, qallabkii ay nadaafadoda iyo hoyga ay deganyihiinba u addeegsan lahaayeen iyo dharkii ciidka oo kala ah;  40 nin dharkooda ciidd iyo 30 dumara.”

 Marwo Hinda waxay waxay ummadda ku baraarujisay inay isu naxariistaan, si Ilaahay ugu naxariisto, “Waxaan baraarujinayaan inaynu isu naxariisano, si Ilaahayna inoogu naxariisto.”
Xildhibaan Faadummo Jaamac Illeeya oo ka mid ah golaha guurtuda Somaliland, ayaa mahadnaqday dadka Ilaahay garansiiyay inay wallaalahooda xannuunsanaya wax taraan iyo ururka Guddoon, waxaanay Ilaahay uga bariday inuu ajarkooda ugu daro miisaanka xanaadka, “Dadka halkan ku jiraa waa dad dayacan, aadna waa looga hadlaa, waxan u mahadnaqayaa cidda bixisay deeqdan  iyo kuwa soo gaadhsiiyay,  Ilaahay waxaan u rajaynayaa qofkasta oo wax tara dadkan in Ilaahay u libin laabo ajarkooda.Dadkani cid ma haystaan, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in caqligooda u soo celiyo” ayay tidhi Xildhibaan Faadummo.

 
 
 
Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Hargeysa Axmed Daahir oo deeqdan ka guddoomay, ayaa sheegay in dadka ku jira cisbitaalku ka aradanyihiin taageerada bulshada inteeda badan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaan u mahadnaqayaa ururka Guddoon oo aah markii shannaan, waa deeq muhiima oo dadkani baahi weyn u qabaan, kana qatanyihiin taageero.

Agaasimuhu waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Qofka marka meel walba lagala soo quusto ayaa halkan dhakhtarka naloogu keenaa, waxay ku soo beegantahay maalin farcad leh oo ciid loo diyaargaroobayo, dadka kalena waxaan ku baraarujinayaa inay kaalintooda ka geystaan.”
 

Khadra oo ka mid ah haweenka Guddoon, ayaa iyana ka hadashay waxqabadka ururka, waxaanay tidhi, “Waa urur xidhiidhiya dadka inta wax haysata iyo inta baahan, waana urur ka shaqeeya samo-falka iyo kobcinta barashada diinta islaamka”

Khadra waxay sheegtay in dadka xanuunsanayaa u baahanyahay teegi in loo fidiyo, lana dareensiiyo inay bulshada ka mid yihiin, “Halkan cisbitaalka guud waxa ku sugan dad ay mudantahay in la caawiyo oo la xidhiidhiyo, maadaama Ilaahay xiskoodii ka qaaday oo aad dareensiiso inaanu bulshada ka dhex bixin, waana mid u taal dadka Ilaahay kharka jeclaysiiyay iyo umadda Islaamka oo dhan inay dadkan ka caawiyaan nadaafadda, dharka, cuntada iyo daryeelkoodaba.” Ayay tidhi Khadra.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com