Xukuumadda Somaliland oo daboolka ka qaaday inay taageersantahay Kacdoonada dalalka Carabta

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horraysay shaacisay mawqifkeeda ku aadan kacdoonada ka socda dalalka Carabta ee xukunka lagaga tuurayo hoggaamiyayaasha mudada dheer soo xukumayay.
Wasiiru;-dawalaha arrimaha debedda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo saxaafadda shalay wax ka weydiisay mawqifka xukuumadda Somaliland eek u saabsan kacdoonadan, ayaa sheegay inay xukuummad ahaan taageersanyihiin.gaddoodka shacbi, isagoo xusay gadoodkii shacabka Somaliland 20 sano ka hor kaga hor yimaadeen maamulkii Ziyaad Barre.
 
 
“Dawladda Somaliland si cad bay u taageersantahay kacdoonnada ka socda dalalka Carabta , waayo inagu 20 sanno ka hior ayaynu kacdoon sammaynay, markaa Somaliland si cad ayay u taageersantahay. Somaliland waxay doonaysaa dawladaha ka dhasha kacdoonku inay taariikhda ku darsadaan kacdoonkeenii 20 sano ka hor aynu sammaynay, markaa ilaa hadda waxaynu ku jirnaa daraasad, dhawaana mawqifka dhabta ah ee xukuumadda Somaliland waxaannu ku soo saari doonaa war-murtiyeed rasmiya oo la xidhiidha kacdoonnada dalalka Carabta iyo waqooyiga Africa.” Ayuu yidhi Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com