Hogaanka Kumeelgaadhka ah Ee Ucid Oo Canbaareeyey Xukunka Sharci-darada ah ee Maamul Goboleedka Puntland Ku Riday Saraakiisha Somaliland Ee Ay Afduubka U Haysteen

Hargeysa, Aug. 29, 2011,(Berbera News) – Hogaanka kumeelgaadhka ah ee xisbiga Cadaaladda iyo  daryeelka
(Ucid) ayaa Canbaareeyay Xukunka ay Maxkamadda Maamul Goboleedka Puntland ku xukuntay
Saraakiilshii Somaliland ee ay dhawaan ka afdhaduubeen Gobolka Sool, isla
markaana waxa ay Xukuumada Somaliland u soo jeediyeen in ay sida ugu dhaqsaha
badan uga qaado talaabada ku haboon, sidaana waxa lagu sheegay xwarsaxaafadeed ay
maanta soo saareen hogaanka kumeel gaadhka ahi, warsasaxaafadeedkaas oo uu ku
saxeexan yahay \Gudoomiyaha ku ahmeelgaadhka ah Aadan Maxamed Mire Waqaf kaas nuqul kamid ahi Soo gaadhayshebekeda Berbera News isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan  ; Hogaanka ku meel-gaadhka ah ee xisbiga UCID iyo Guddida Fulintu shir ay maanta isugu yimaadeen waxay soo saareen qodobada soo socda:
ü Xisbiga
Cadaaladda iyo Daryeelku wuxu si adag u cambaaraynayaa saraakiisha reer
Somaliland ee laga afduubtay dhulkoodi hooyo gaar ahaan gobolka Sool iyagoo ku
guda jira hawshii ay qaranka u hayeen afduubayna maamul goboleedka Puntland
laguna riday xukuno xaqdarro ah, xukuumadana waxaanu usoo jeedinayna inay
talaabada ku haboon ka qaado arrintaas si degdeg ah iyadoo hore xukuumaddu uga
gaabisay waxka qabadka arrintaas.
ü Maadaama
arrinta Xisbigu ku jirto maxkamadda sare ee Somaliland, soona dhawyahay wakhtigii
loo cayimay shirweynaha 3aad ee 7-8 September 2011, iyadoo la tixraacayo
Qodobka 10aad Faqradiisa 4aad ee xeerka Xisbiga oo ogolaanaya in 90 maalmood
dib ay u dhigi-karaan Guddida fulintu shirweynaha waxa la go’aamiyey in
hogaanka ku meel-gaadhka ah loo cusboonaysiiyo 45 cisho oo kale oo ka
bilaabmaysa 9 September 2011.
ü Guddida fulinta ayaa iclaaminaya wakhtiga
shirweynaha la qabandoono 45-kaas maalmood gudahood.
ü Hogaanka ku meel-gaadhka ah iyo Guddida fulintu
waxay horena u balanqaadeen imikana balanqaadayaan in ay ilaaliyaan
nabadgalyada iyo xasiloonida qaranka Somaliland.
ü Xisbigu Wuxu ka digaynaa in hawlaha Xisbiga
UCID ka dhex jira lagula galgasho Golaha Deegaanka Hargaysa oo laga daayo
hagista daaha dabadiisa iyadoo qof gaar ah loola jeedo.

Alla Mahad Leh

Md, Aadan Maxamed Mire Waqaf
Gudoomiyaha Ku Meel-gaadhka ah ee Xisbiga UCID