Degmada Sheekh: Mid ka mid ah Goobah ay ku duuganyihiin aataarta qaddiimiga ah oo qarka u saaran inay baaba’do iyo Qaylodhaan ka soo yeedhay dadka deegaanka

Sheekh-(Berberanews)- Somaliland waxay ka mid tahay dalalka adduunka ee nasiibka u yeeshay in laga helo goobo ay ku duuganyihiin aataarta qaddiimiga ah ee ay ka tegeen dadyowgii dunida ku noolaa iyo xadaaradihii kaka duwanaa ee ay lahaayeen boqollaal kun oo sanno ka hor, iyadoo dalal badani dhaqaale uga soo xeroodo dalxiisayaasha caalamka u kala yimaada inay wax ka ogaadaan goobahaas.

Hasyeeshee Somaliland waxay lumisay fursadihii ay ku iib-geyn lahayd goobo taariikhiya oo ku yaal gobollo badan oo dalka ah, kuwaasoo qaarkood haatan qarka u saaranyihiin inay baaba’aan amma ay tir-tirmaan muuqaalladii ay lahaayeen.

 

Degmada Sheekh oo ay ku yaalaan goobo laga helay aataar qaddiimi ah oo boqollaal kun oo sano ka hora, ayaa haataan qarka u saaraan inay badankooda bur-buraan, taasoo ay ugu wacantahay faham-daro dadka ka haysata qiimaha aataartani dalka ugu fadhido iyo siyaasad la’aan xukuummaddu iska xil-saartay ilaalintooda.

Goobaha waxa ka mid ah goob aataar qaddiiimi ah ku duugantahay oo lagu magacaabo “Fardawsa”  oo ah dhul aad u balaadhan, islamarkaana  leh muuqaallo aataar qadiim ah oo fac wayn, oo ay ka mid yihiin dhismayaal lagu qiyaasay boqollaal kun oo sano ka hor inay istcimaali jireen dadyow deegaankaas ku noolaan jiray, balse nasiib daro aan wax baadhitaan ah lagu samayn, haseyeeshee soo jiidatay dalxiisayaal kala duwani inay soo booqdaan.

Fardowsa oo dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Shiekh ayay dhawr jeer Wasaarada Dalxiiska ee Somaliland u qoondaysay in ay ka mid tahay goob ka mida goobaha ay ku duuganyihiin aataaraha  qadiimka ah ee dalkeenu ku faano islamarkaana looga faa’iidaysan doono xaga dalxiiska, iyaga oo ku baaqay inaan loo soo dhawaan goobtan cidina aanay sheegan Karin dhisana karin oo ay  tahay dhul Dalxiiska loo qorsheeyay, haseyeeshee haatan isu bedeshay goob xashiishka lagu qubo.

Qaar ka mida masuuliyiintii isaga danbeeyay maamulka Degmada oo ku sugun Shiekh, ayaa shebekadda Berberanewswax ka waydiisay inay ka xog-waramaan goobtan Fardowsa iyo waxay ka ogyihiin.

Maxamed Xusen Ciise (Qamari) wuxuu ahaa maayarkii ugu danbeeyay Maayaradii Dawlada Dhexe soo magacaabi jirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee ku wareejiyay Golaha Deegaanka codka lagu soo doortay, ayaa isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi, “ Fardowsi waxay ahayd goob ka caagan qashinka ,dhulbixinta,isla markaana wada shaqayn  buuxda ka lahaayeen Wasaarada Dalxiiska kana joogeen Shaqaale illaaliya, sidoo kale ay jiraan dad iskood isaga xil saari jiray illaalinta goobtan kuwaas oo qaarkood markii danbe Wasaarada ka shaqaaloobeen, iyadoo dhawr jeer ay yimaadeen khubro Faransiis ah oo sheegay in ay wax ka qaban doonaan mustaqbalka dhow ayuu yidhi Qamariye “.

In badan oo ka mida wax garadka Magaalada Shiekh ayaa laftigoodu dareen adag ka muujiyay xalaada ay hada ku sugun tahay  oo ah mid mudooyinkan danbe soo ifbaxday.

Goobtan  oo ku fadhida dhul aad u baaxad wayn kana muuqdaan dhismayaal layaab leh oo iminka sii raad  ama dabar go’aya dad badan oo waayeel ahina ay ku sheegayaan in wakhtiyada hore goobtan laga heli jiray alaabooyin ay dadkaasi isticmaali jireen sida weelkii ay isticmaali jireen oo ka samaysan dhoobo iyo xadiid.  

Si kastaba ha ahaatee, waxaa wax laga naxo ah marka aad goobtan tagto qashinka faraha badan ee dareenka naxdinta leh ka horkeenaaya Indhaha qofkasta oo booqda .

Dadweyne badan oo rere Sheekh ah ayaa goobtan sii dabar-go’aysa ku tilmaamay aafo hor leh oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto,iyaga oo xusay in ay goobtani u baahantahay xayndaab iyo shaqaale joogto ah maadaama oo ay tahay goob ka mid ah Magaalada gudaheeda.

Khadar Jaamac Xaashi

Berberanews, Sheekh