Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil iyo Weedha Munaasibadda Ciidal-fidriga

CIID MUBAARAK

WAR-SAXAAFADEED: HAMBALYADA CIIDDA EE SHIRKADAHADAHABSHIIL

Ugu horreyn, naga guddooma, salaam iyo bariido huwan milge, maamuus iyo tix-gelin badan; As-salaamu calaykum wa-raxmatullaahi wa-barakaatuh.
 
Intaas kaddib, aniga oo ku hadlaya magaca maamulka, hawlwadeennada iyo wakiillada laamaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil ku leeyihiin daafaha dunida, munaasabadda ciid-al-fitriga awgeed, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ummadaha islaamka, shucuubta afka Soomaaliga ku hadasha iyo si gaar ah; macaamiisha aannu sharafta badan u haynno ee sida tooska ah ugu xidhan adeegyada kala duwan ee ay Shirkadaha Dahabshiil bulshada u fidiyaan.

Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubbanayd, cibaadadii iyo soonkii aynu bisha Ramadaan gudannay, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

 
Ugu dambaynna, waxaannu idin leennahay CIID MUBAARAK, KULLU CAAM WA ANTUM BILKHAYR. Hambalyo… Hambalyo… Hambalyo!

 

ALLAA MAHAD LEH

 
Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group
Xaaji Maxamed Siciid Ducaale