“Waxaan caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan oo ay ka caawiyaan shacbiga dalka Soomaaliya dhibaatooyinka haysta..”Madaxweyne Silaanyo

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bulshada caalamka ugu baaqay inay gacan ka geystaan dhibaatooyinka dalka Somalia ku habsaday ee ka dhashay abaaraha iyo macaluusha.
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka badan eek u gedaaman amandaqada geeska Afrika waxaanu Ilaahay uga baryay inuu ka dul qaado macaluusha iyo colaadaha ka oogan dalka Somalia.
“Waxaan caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan oo ay ka caawiyaan shacbiga dalka Soomaaliya dhibaatooyinka haysta ee ay soo gaadheen abaaraha iyo colaaduhu,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Silaanyo oo saaka Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa kala qeyb galay salaadii Ciida masjidul jaamaca weyn ee caasimada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo oo salaadii ka hor dadweynaha khudbad kooban u jeediyay ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhammaan shucuubta Islaamka oo uu ku bogaadiyay farxada maalinta weyn ee ciidul fidriga.
“Walaalayaal dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay Ciid mubaarik, ILAAHAY bishii barakaysnayd ee dhammaatay khayrkeeda ha ina siiyo. Waxaan ILAAHAY idiinka rajaynayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Walaalayaal haddii aynu nahay dadweynaha reer Somaliland waxaan ILAAHAY uga mahad naqayaa Nabadgelyada, midnimada, wada jirka iyo dawladnimada dalkeena ka jirta. Waxaan jecelahay inaan idinku booriyo inay sii xoojino wada jirka iyo nabadgelyada aan haysano.
Dhinaca kale, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa waxa uu salaadii Ciida kula tukaday Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com