Ciidamada Ammaanka oo ku Qabqabtay Hargeysa Rag Looga Shakiyey inay Munaasibaddii Ciidda Qorshaynayeen Weerarro Argagixiso

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Ciidammada ammaanka ee Somaliland, ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo looga shakiyey inay qorshaynayeen weerarro argagixiso ay dalka fuliyaan munaasibaddii ciiddal-fidriga, halka mid afraadna uu ciidanka booliska kaga baxsaday gudaha caasimadda Hargeysa.

Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ragga la qabtay ayaa la sheegay in la tuhunsan yahay inay ku hawlanaayeen sidii falal argagixiso uga fulin lahaayeen Masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa oo uu maalintii ciidda Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo kula tukaday boqolaal qof.

Ragga la hayo oo ciidammadu qabteen wax yar ka hor intii aan Madaxweyne Siilaanyo masaajidkaas gaadhin subaxnimadii ciidda, waxa sida la sheegay saddexda hadda la hayo laga qabqabtay duleedka woqooyi ee Masjid-jaamaca Hargeysa, gaar ahaan dhinaca qiblada oo ku beegan albaabka Madaxweynuhu masjidka ka gelayey.

“Waxay ahaayeen dad laga shakiyay inay qorshaynayeen falal argagixiso, waana saddex nin, waxana gacanta ku haya ciidanka oo baadhaya.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha ciidammada ammaanka Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo kale ayaa tibaaxay in mid ka mid ah raggaasi uu baxsaday oo ciidanku baacsadeen markii uu goobtaas ka cararay, balse aanay ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan, iyadoo saddexda la qabtayna hadda ku xidhan yihiin xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa.

Sidoo wararka Jamhuuriya ka helay dhinaca saraakiisha ciidammada ammaanka, ayaa sheegaya in ragga la qabqabatay yihiin dhaqdhaqaaqooda si weyn loola socday oo beryahanba raadkooda lagu joogay, waxaanay wararka arrintaas la xidhiidhaa tibaaxeen inay nimanka la hayaa ka yimaaddeen dhinaca koonfureed dalka Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab, isla markaana ka wadaan dagaallada ka dhanka ah dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif iyo ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Sources, Jamhuuriya