Gaalkacyo:”Hadaanan ka dhabayn Heshiiska Puntland aan la galayo Maba imaadeen heshiisna lama galeen”Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiwali Gaas.

Gaalkacyo:(Berberanews)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo shalay soo gabagabeeyey Booqasho Shan cisho qaadatay oo uu ku marayey gobolo katirsan Puntland ayaa si rasmi ah markii ugu horaysay u adkeeyey ugana hadlay heshiiskii is afgaradka ahaa ee uu dhawaan Madaxweynaha Dawlada Puntland kula saxiixday magaalada Garoowe ee caasimada maamul-goboleedka Puntland, Waxaana uu sheegey heshiiskaasi uu noqon doono mid shaqeeya islamarkaasa laga midho dhaliyo oo aan cidlo ku burburin.
 
Prof.Gaas oo hadal warbaahinta uga jeediyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Iyo Sidoo kale dadweyne aad u farabadan oo sagoontinayay ayaa si culus ugu celceliyey in Dawladiisu ay diyaar u tahay in gacanteedu ay soo gaadho dadka reer Puntland iyo kuwa soo bakaracay ee ku sugan dhulka Puntland, Waxaana uu sheegey in heshiiskii ay Dhawaan Garoowe kula galeen dawlada Puntland ee Soomaaliyeeed uu noqon doono “Bilow Cusub” iyo Waji Isfahan oo ka duwanaada kii u dhexeeyey labada dhinac sanadihii u danbeeyey.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan Puntland imaado, Waxaan amaanayaa dadkii ilaa maalinkii aan Garoowe kasoo dagay isoo dhaweeyey iyo Madaxda Puntland oo Wadaninimo muujisay ilaa iyo hada oo aan dhoofayana si weyn noola shaqaysay, Halkaan waxaan u imid inaan wax kabadalo Xiriirka Anaga (TFG) iyo Puntland naga dhexeeyey oo awal hooseeyey inaan kiciyo, Hadaanan ka dhabaynayn Heshiiskii aan Puntland la galay halkaan (Puntland) Ma imaadeen heshiisna ma galeen”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si adag heshiiskaas uga hadlayey kadib markii ay Saxaafadu su’aalo badan ka waydiisay.
wakiilka deegaamada puntland
 Maxamed C/qaadir Dacar
dacaryare22@hotmail.com
Bereranews