War Deg Dega: Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waa kuma?

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland inuu noqdo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Saaxil, ka dib markii uu jagadaa iska casilay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

Sidaana waxa lagu faafiyay digreeto goor dhawayd ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo lagu shaaciyay magacaabista Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland, kaasoo u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay  0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .
 
Madaxaweynuhu:
 
Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
 
Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay  Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL,
 
Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
 
Markuu ku Qancay:                   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.”
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland