“Waxaan idiin sheegayaa inaan iska casilay xubintii Golaha Wakiilada ee aan u hayay ummadda..”Wasiir Duur

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirka cusub ee wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), oo Madaxweyne Silaanyo shalay u magacaabay, ayaa sheegay inuu aqlay xilka loo magacaabay, islamarkaana iska casilay xildhibaannimadii golaha wakiillada Somaliland.

Wasiir Duur waxa uu sidaa u sheegay koox suxufiyiin  ah oo uu maanta Hargeysa ugu waramat  “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego inaan aqbalay xilka Wasiirnimo ee uu Madaxweynaha Somaliland ii magacaabay waanan uga mahad calisaya horena waan uga aqbalay.

 “Waxa kale oo aan idiin sheegayaa inaan iska casilay xubintii Golaha Wakiilada ee aan u hayay ummadda reer Somaliland maadaama oo Sida Qodobada 48-aad iyo Qodobka 50-aad Fiqradiisa 2-aad ee Dastuurka Qaranku dhigayaa dawladdu sadex tiir ayay u qeybsan tahay markaa Tiir baan hore uga tirsanaa oo Baarlamaankii ah, imikana waxaan u gudbay tiirkii Fulinta.”
Wasiirka Cusubi waxa uu ku dooday inuu isku xidhi doono Baarlamaanka iyo Xukuumada Somaliland.

Wasiir Maxamed Nuur Carraalle Duur waxa uu ka mid ahaa 10ka xildhibaan ee Gobolka Saaxil kaga jira Golaha Wakiillada Somaliland, gaar ahaan waxa uu ka soo baxay xisbiga UDUB, oo uu markii danbe uga diga-rogtay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com