Hargeysa-(Berberanews)- Xasan Saleebaan Cabdi-marayare oo ah Joolaji ku takhakhusay noocyada Macdanaha iyo qaababka loo baadho (Gemologist And menoroligist), ayaa shaaca ka qaaday halis badan oo caafimaad oo dad reer Somaliland ah oo aan aqoon u lahayn dhibaatada Macdan qodistu ku keeni karto ay kala kulmeen qodaalkeeda iyo sidoo kale gododka laga qoday oo iyaga oo bilaa dabool ah laga tago. Xasan Saleebaan Marayare, waxa uu dawladda Somaliland ku eedeeyey inay Liisammo lacag la waydaarsado iska siiso dad ku tacaddiyaya nolosha dadka iyo Xoolaha ku dhaqan meelaha ay Macdanta ka baadhaan, isaga oo xusay in kuwa Liisammada loo siinayaa aanay wax lacag ah siinnin dadka ay u addeegsadan gododka.
Mr. Xasan Marayare oo wakhtigan ku sugan Caasimadda Hargeysa, waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi gaar ah oo ay la yeesheen Weriyayaal ka tirsan Shabakadda Berberanews iyo Wargeyska Ogaal “Waxaan doonayey inaan maanta ka hadlo arrimo xasaasi ah muhiimna u ah mustaqbalka ummadda hadda ku nool Somaliland iyo gaar ahaan meelaha dhibaatadu ka taagan tahay dhinaca deegaanka ee aan soo arkay. Immika muddo sannad iyo badh ah ayaan dalka Somaliland joogay, waxaanan marka hore u imi arrimihii Ololaha doorashooyinka inaan ka qaybqaato, ka dibna markii uu yimi is beddalkii aannu doonaynay waxaan guda-galay hawlahayga aniga gaarka ii ahaa. Markaa, waxaan maanta u hadlayaa intii aan joogay waddanka goobihii aan booqday, waxyaabihii aan ku soo arkay iyo talooyinka aan doonayo inaan ka soo jeediyo kufsiga iyo dhibaatooyinka deegaanka Somaliland lagu hayo guud ahaan.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Saleebaan Cabdi-marayare.
Joolaji Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxa jirta in beryahan dambe dalka Somaliland uu ku soo ifbaxay ama uu ku soo shaac-baxay dalalka mustaqbalka dhaw baahida loo qabto Macdanta inuu ka mid noqon doono dalalka baahida adduunka ee Macdanta wax ka dabooli doona, dalkuna waxyaabo badan ayuu qani ku yahay oo macdano badan oo kala duwan ayaa ku jira dhulkeenna. Waxaanad sannadahan ugu dambeeyey aad arkaysaa dadka reer Somaliland oo aad ugu qamaamay ugaadhsiga Macdanta, meelaha ugu badan ee laga ugaadhsado Macdanta waxa ugu badan Gobollada Awdal iyo Saaxil intaan soo arkay. Haddaba, markaad eegto Gobolladaas qaabka Macdanta looga ugaadhsado ama looga qoto iyo qaabka dadweynaha ururiyaa uga shaqeeyaan, waxaad arkaysaa in dadka qaarkood yihiin Ganacsato inta loo ururiyo dhoofiya, dad iyagu qodo oo loo adeegsado dad deegaanka ah oo la yidhaahdo Macdanta noocaas ah halkaas ka qoda iyo qaar iyagu meelo kala duwan ka soo ururiya.” “haddaba waxa jirta Macdanahaas in qaarkood ay xambaarsan yihiin maaddooyin sun ah oo aan u fiicnayn Caafimaadka Aadamaha, Xoolaha iyo Deegaanka laftiisaba dhibaatooyin badan ku keenaya, maaddooyinkaa qaarkood waxay dhaliyaan Neerfayaasha oo xanuuna, Madaxa oo xanuuna, inuu qofku Madhalays noqdo, Wareegyada dhiigga oo qofka ka xumaada iyo haliso badan oo caafimaad. Dadka hawshaa fulinaya ee wax qodayaa waxay hawshaa u galaan qaab aqoon la’aan iyo qalab la’aan ah. Waxaan doonayaa inaan si gaar ah uga hadlo gobolka Saaxil oo aan deegaannada hoos yimaadda tuulotuulo u maray. Waxaan ku arkay goobahaas inay ka jiraan dhibaatooyin aan la yaraysan karin oo aan dawlad ahaan, dadweyne ahaan iyo cid kasta oo Masuul ka ah bulshada ay khatarta jirtana ay daba qabtaan, ta soo socotana ay ka badbaadiyaan ummadda.” ayuu yidhi Khabiir Xasan.
Mar Xasan uu ka hadlayey sababta arrintan inuu ogaado ku kalliftay, waxa uu yidhi; “Waxaan isku dayey markii hore oo ii geeyey hawshan inaan diiwaan-geliyo gobolka Saaxil noocyada Macdanaha ku jira iyo goobaha laga heli karo, laakiin markii aan booqday dadka ku nool Tuulayaasha iyo deegaannada Macdanaha laga helo waxa iiga soo ifbaxay hawshii aan waday hawl khatar ah oo dadweynaha iyo inta deegaankaa ku noolba khatar wayn ku haysa, waxaan soo arkay dadkaas oo qoday Macdanaha halista ah ee la yidhaahdo Kolombayt-ka (Colombite) Ledh-ka (Led) iyo Silkoonka (Silcon), Sirkoonka macdanta la yidhaahdaa waxay xambaarsan tahay maaddooyinka Tuuriyaam (Turiam) iyo Yuraaniyaan (Euraniun) oo labaduba Raadhiyoo-aktif leh (Radio-active), Kolombaytka oo ay noocyadiisu kala duwan yihiin, waxa ku badan waddankeenna itroo kolombaytka oo leh Sunta Radiyayshinka loo yaqaan ee qaac iyo shucaac. Qodistoodu waxay u baahan tahay inay dad aqoon iyo xirfad u lehi fuliyaan, dadka deggan deegaanka laga fulinayo intaan qodista laga bilaabin waxa muhiim ah in wacyigelin laga siiyo,isla markaana laga raro goobaha lago qodaayo, ma jirto dunida meel dadka oo deggan laga bilaabo qodista macdanta.” “Laakiin, dalkeenna meelaha aan tagay waxaad arkaysaa inta loo tago dedkii deegaanka ayaa la odhanayaa Macdanta noocaas ah oo halkaa ku jirta ayaannu u baahannahay in la qodo saddex doolla illaa shan dollar inta u dhaxaysa ayaannu Kiilooga idinka siisanaynaa iyada oo aan loo sheegin halista ay leedahay iyo dhibaatada caafimaad ee dadka hawshaa loo dirayo, kuwa deeganka kula nool, duunyada iyo deegaanka ay u leedahay midna, iyada oo aan weliba la siinnin wax alla wax qalab ah oo ay hawshaa ku galaan hadday tahay qalabkii ay gacmaha ku xidhan lahaayeen, qalabkii ay sanka ku xidhan lahaayeen iyo kii ay dhammaan jidhka inta kale ku xidhan lahaayeen toona, dhibaatada u weyn ee dadkaa haysataana waa qalab la’aan iyo aqoon la’aan, marka Macdan la qodayana gogodka laga qodayo ee dhagaxanta la jabinayo waxa ku badan waxa ay Soomaalidu u taqaanno Bus ama Boodhka oo mar kasta oo uu qofku Neefsado uu jiidayo, isla markaana si dhakhso ah markaba u saamaynaysa Sambabbada noolaha, waxaanu sababayaa inuu wareegyada Dhiigga iyo hab Neefsiga qofka oo dhan xannibo oo Neerfa xanuun iyo Madax xanuun markaba uu dareemo.” Sidaa ayuu yidhi Khabiir Xasan. Xasan Saleebaan Cabdi-marayare, oo sharraxaad ka bixinaya khatarta Maaddada Macdanta ah ee loo yaqaan Ledh-ka waxa uu yidhi; “Maaddada Led-ka la yidhaahdana waxa weeye Bir sun xambaarsan, manaafacaad badan baanay leedahay oo dunidu u adeegsataa, oo waxa laga sameeyaa Muraayadaha TV-yada, Kumbutarrada, Baytariyada Baabuurta, Qasabadaha iyo waxyaabo kale, waxaas oo dhan immika dunida waa laga mabnuucay, in ka badan Konton Urur iyo dawlado badan ayaa dunida ka wada sidii loo yarayn lahaa Isticmaalka maaddada Led-ka, meelo badanna dunida waa laga yareeyey isticmaalkeeda, waayo dhibaatooyinka uu u geysanayo dadweynaha caafimaadkooda iyo xoolaha iyo kharashka ku baxaya ayaa ka batay manaafacaadkiisii oo dunidu way ku dawakhday.” “Markaa marka la qodayo waxan oo dhan waxa loo qodaa si cilmiyeysan oo aad la isaga ilaaliyo, waxyaabaha ugu badan ee laga helo Gobolka Saaxil-na waa Macdanahaas oo intay soo qodaan aad arkayso dad badan oo Jeebadaha ku wada sita Dhagaxanta ama Guryohooda dhigtay oo aan fahansanayn helista kaga imanaysa.” Ayuu yidhi Khabiirku.
Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Dadkuunnu waxay yidhaahdaan Macdanta Jinbaa leh oo ilaashada oo qofka qoda Jinkaasi wuu derderaa, derderaad jin maaha ee qofkii oo aan wax aqoon ah u lahayn waxan wax qalab ahna isticmaalin ayaa iska qodonaya dabadeedna wuu sumoobayaa oo wax hayaba waa la garan-waayayaa, markaasay dadkeennu yidhaahdaan Jinbaa derderay.” “Waxaad arkaysaa gododka laga qoday Macdanahaa halista ah oo markii macdantii lala baxay la iskaga tagay iyaga oo bilaa dabool ah, dunida waxaasi meelna kama dhacaan ee meel walba waa la daboolaa godka macdan laga saaro, gododkaas oo afka ka bannaan oo aan la daboolin oo Xoolihii iyo Dadkii ka cabbayaan ama doox ku dhaw oo biyihii Dooxa dadkii iyo duunyadiiba cabbayaan ayaan soo arkay. Dadki markay sakaraadaan ayey u imanayaan Dhakhaatiirta intooda badani, Dhakhaatiirteennuna badi inaanay fahmin illaa hadda inaanay garan ama ogaan oo aanay aad u sii daba-gallin halka xanuunkaasi qofka kaga yimi.” ayuu raaciyey hadalkiisa.
Mar uu Xasan la hadlayey Masuuliyiinta dawladda Somaliland ee heer Qaran iyo kuwa heer Gobolba, waxa uu yidhi; “Haddaba, Masuuliyiinta ay khusayso ee dawladda iyo kuwa gobolka waxaan u arkay inaanay weli ka hadal khataraha ka imanaya qaabka Macdanaha loo ugaadhsado oo cidda Liisanka loo siinayo aan wax shuruud ah lagu xidhan, isla markaana aan la weydiin maxaad aqoonyahanno wadataa, maxaa qalab ah ee aad sidataa ee lagu qodayaa Macdanta, maxaad ugu talagashay inay isku ilaaliyaan dadka qodaya, sideed deegaanka uga badbaadin kartaa Sunta ka faafi karta gododka macdanta laga qodayo, shuruudahaas iyo kuwo badan oo kale ayaa muhiim ah in cidda Liisanka la siinayo lagu xidho si loo badbaadiyo caafimaadka dadka, duunyada iyo deegaanka oo intuba muhiim ah. Maamulka Gobolkana waxaad mooddaa inaanay waxyaabahaa fahamsanaynba oo ay kaga mashquulsan yihiin waxyaabo kale oo ay iyagu u arkaan inay uga muhiimsan tahay, laakiin aan anigu u arko inay Kufsiga deegaanka lagu hayo iyo khatarta caafimaad ee dadka iyo duunyada wax ka muhiimsan oo nin Masuul dawladeed ahi qaban lahaa ma jiro. “Lafa-ruug iyo Xamaas agagaarkeeda illaa Konton god ayaa Macdan laga qoday oo aan la daboolin, dadkiina aanay fahamsanayn dhibaatada ay ku keeni karto. Markaa, waxaad mooddaa inay meeshaa iyo meelo badan oo kale xasuuqyo qarsooni ka jiraan. Daraasaddan aan sameeyey waxaan waday illaa bilawgii sannadkan, Macdanta waa la dhoofiyaa Kolombaytka, Ledhka iyo kuwo kale oo badan ayaa dalkeenna laga dhoofiyaa sida ta Tiinka loo yaqaan oo kale, dhibaatooyina badan baa ka dhashay, dadbaa u dhintay, qaarbaa hadda liita oo xanuunsanaya. Waxaan soo diiwaan-geliyey illaa lix qof oo u dhintay Xunuunno ay ka soo qaadeen qodista Macdanta, waxaan soo arkay dad badan oo qodistaa ka qayb-qaatay oo immika xanuunsanaya oo Jiifa. Liisammada Wasaaradda Macdanta ayaa bixisa, waxaanad mooddaa Wasaarad ahaan inaanay fahansanayn oo aanay uba muuqan khatarta ay bulshada ku keeni karto dad, duunyo iyo deegaan toona, habka loo dhoofinayana waxaad mooddaa inaanay Wasaaraddu wax siyaasad ahba ka lahayn dhinaca dakhliga iyo dhinaca kaantarroolka, waayo maba joogto goobaha laga qodayo, cidda qodaysa, sida loo qodayo iyo goobaha laga dhoofinayo midna. Dunida meesha laga qodayo Macdan waxa daba socda shirkadaha qodadaya Hay’adaha daneeya arrimaha deegaanka iyo kuwa Xuuqda Aadamaha..” sidaa ayuu yidhi Xasan. Dhinaca kale, Xasan Saleebaan Cabdi-maraye waxa uu ka hadlay Habka uu u shaqeeyo maamulka Gobolka Saaxil, gaar ahaan Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo uu ku eedeeyey inuu u shaqaynayo qaab la mid ah qaabkii ay Moorgan iyo Gaanni ugu shaqayn jireen Dawladdii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre. Xasan oo arrintaas iyo arrinta Shirka Beesha Saaxil shaacisay inay dhawaan yeelan doonaan ka hadlayana waxa uu yidhi; “Ururkayaga oo la yidhaahdo Saaxil focus Group ujeeddooyinka aannu u aas-aasnay waxa ka mid ah ilaalinta iyo wacyigelinta khataraha jira iyo kuwa ku iman kara dadka iyo deegaanka gobolka Saaxil iyo Somaliland inta aannu ka gaadhi karno, dhawaan marka qurbo-jooggu yimaaddaan ayuu shirweyne yeelanayaa. Urur ahaan waannu taageersannahay Shirka ay Beesha Ciise Muuse qabsanayso, Urur ahaanna waannu ka qaybgalaynaa, doorkayagana waannu ka qaadanaynaa. Shirkaasi maaha shir siyaasadeed ee waa Shir beeshu aayeheeda mustaqbalka iyo horumarkeeda ay kaga tashanayso, kuwaasina waa waxyaabo daakhili ah oo beesha u gaar ah.” “Laakiin, waxa jira in dadka qaarkood qaab qaldan ay u turjumayaan ujeeddada shirka, dadkaas qaabka qaldan u turjumayaana waxay u badan yihiin kuwa dawladda ku jira, kuwaasoo uu ka midyahay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Ramaax oo runtii aad ugu mashquulsan sidii uu u joojin lahaa Shirkaas dawladdana sawir xun uga siin lahaa, waxaan Anigu u arkaa inuu u shaqaynayo sidii Gaanni iyo Moorgan, Xukuumadda maanta jirtaana haddii wixii ay Af-wayne u sheegi jireen qaadato oo ay ku dhaqanto waxa imanaysa is faham-darro dadka iyo dawladda soo dhex-gala, markaa waxa looga baahan yahay inay iska jirto dillaaliinta noocaas ah ee sidii Moorgan iyo Gaanni wax u sheegaya ee dawladda iyo dadkeeda kala fogeynaya.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Saleebaan Cabdi-marayare. Haddaba, Waraysigan ay Ogaal iyo Berberanews la yeesheen Xasan Saleebaan Cabdi-marayare oo aad u dheeraa, dhinacyo badanna taabanaya oo qayb ka mid ah uu Aqoonyahanku kaga hadlayo Masuuliyiinta dawladda kaga jira Gobolka Saaxil mid sare iyo mid hoose, sida ay u shaqayso Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxyaabihii looga baahnaa is beddalka oo loo doortay iyo ballan-qaadyadii ololaha inta ay ka dhabaysay, inta qabyada ah iyo qaybo kale oo badan, isla markaana su’aalo door ah lagu waydiiyey kala socda qaybaha hadhay.
la soco qaybta lanbaad.