Libya, 03 September 2011 (Berberanews/AlRayi):-Hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar al-Qadaafi ayaa mar kale 24-sacadood gudahood soo diray fariintii labaad ee uu shacbiga dalka Libya kula hadlayo, waxaanu fariintiisan oo laga baahiyay telefishanka iyo idaacada AlRayi ee xaruntiisu tahay Magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya ku sheegay in dagaal dheer iyo wax iska celin lagu xoraynayo dalka Libya ay shacbigiisu bilaabayaan, gumaysigana aanay madaxa u hoorsan doonin.
Sidoo kale Mr. Qadaafi waxa uu sheegay in aanu ka carari doonin dalka Libya oo aanay jirin meel dalkiisa uu uga baxayaa, xaalad kasta oo la soo derista iyo wax kasta oo loo balan qaadana dalkiisa ku dhiman doono, magaalada uu u dhashay ee Sirta ayuu sheegay in laga bilaabo ciidii Soon-fureed ay tahay Caasimadda ku-meel gaadhka ah ee Libya ilaa dalka laga xoraynayana ay ahaan doonto caasimadda Libya.
Fariintan ugu danbaysay ee Qadaafi ee laga sii daayay telefishanka AlRayi, waxa uu Qadaafi ku xusay dib isku habayn iyo dagaal culus oo dib loogu xoraynayo dalka Libya oo uu sheegay in dadku bilaabeen, kaas oo ah buu yidhi mid dalka lagaga xoraynayo wuxuu ugu yeedhay Imbiraaliyiinta iyo kuwa daba-dhilifka u ah oo sida loo malaynayo uu ula jeedo kooxaha mucaaridka dalkaas ee xukunka ka tuuray.
Hogaamiyihii hore ee dalka Libya ayaa carabka si adag ugu dhejiyay kuna cel celiyay wuxuu ugu yeedhay difaac adag oo laga galo sidii hantida, naaftada iyo biyaha Libya loogu xorayn lahaa, isagoo sheegay in cidii biyaha Libya hantidaa ku xoog roonaan doonto dagaalka dheer ee bilaabmay. Waxa kale oo uu Qadaafi fariintiisan cusub taageerayaashiisa ugu baaqay inay ku kacaan, dagaal dhuumaalaysi ah iyo difaac wax iska celin ah oo ay ka bilaabaan meel kasta oo dalka ka mid ah.
“Libya madaxa u hoorsan mayso isticmaarka cusub ee ku soo duulay hantideeda iyo naaftadeeda, way difaacan doonaan dadkeedu, saxare, xeeb iyo meel kasta oo Libya ka mid ah, dagaalku wuxuu ka bilaabmi doonaa, xadka Aljeeriya, xadka Chad, xeebaha dalka iyo meel kasta, biyaha ayaa xudun u ah guusha, waxaana bilaabmaya dagaalkii biyaha oo cidii hantidaa ku guulaysan doontaa dagaalka Libya.” Sidaa wuxuu Qadaafi ku sheegay fariintii shanaad ee tan iyo intii Tripoli laga qabsaday uu soo diro.
Col: Qadaafi ayaa fariintiisan ku sheegay in dagaal dheer aanay NATO iyo kuwa u shaqeeyaa qaadi karin, haddii shacbiga Libya u dagaalamaan sidii awoowyaashoodna ay ka huleeli doonaan dalka, oo aanay xamili karin dagaal wakhti dheer socda ayuu yidhi.
Qadaafi ayaa fariintiisa ku soo gaba gabeeyay fariin si cad uu ugu dirayo hogaamiyayaasha mucaaridka ee dalka Libya qabsaday, waxaanu yidhi, “Shacabka Libya iyo dhalinayarada Libya dib ayay isku dhisayaan, waxay ku biirayaan muqaawamada, waxa safka nagula jira, dhalinyaradii, haweenkii, duqaydii iyo shacbigii reer Libya oo dhan, waxay u dhabar adaygayaan, duqaynta isticmaarku ku hayo, habeen iyo maalin, iskuulada, dhakhtarada iyo guryahooda, waxaanay ku talaabsan doonaan arrimo mucjiso ah oo ay ku xoraynayaan dalkooda, isticmaarka iyo kuwa u adeegaa guulaysan maayaan, dagaal habeen iyo maalin ah kari mayaan inay wajiga u dhigtaan, markaa halkaad ku dhuuman doontaan sii diyaarsada.” Ayuu yidhi Qadaafi
Mucaamar Al-Qadaafi waxa uu fariintiisan codka ee uu soo diray maalintii maanta ee jimcaha ahayd uu ku soo gab gabeeyay “Alle ayaa nala jira, ficilada maanta Libya ka dhacaya, xatooyada naaftadii iyo nimcadii dalka lagu hayo, isgaadhsiinta, biyaha iyo dawo la’aantu maaha kuwo guulaysanaya, hogaamiyaha Libya Alle ha la jiro, dalkaygana kama baxayo, si kastoo wax u dhacaan iyo duruuf kasta oo iga hor timaada.”
Faysal Maxamed Xasan