Suuriya: 22-qof oo ku dhintay mudaharaadyadii Jimcaha iyo midowga Yurub oo cuna-qabatayn cusub ku soo rogay xukuumadda Asad

Dimishiq- (Berberanews/W/Wararka):- Sida kooxaha xidhiidhka mucaaridka dalka Suuriya iyo dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadamaha ee ku sugan dalkaasi cadeeyeen, 22-qof ayaa ku dhintay tiro kale oo aad u badana way ku dhaawacmeen, Mudaharaadyo waaweyn oo maanta jimcihii ka dhacay dhamaan gobolada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.
 
Mudaharaadyada  jimcihii ka dhacay dalka Suuriya oo la sheegay inay ahaayeen kuwii ugu balaadhnaa ee si siman ugu faafaa dhamaan dalka oo dhan, taas oo sida loo malaynayo ka dhalatay codsigii kooxaha kacdoonku dadka reer Suuriya kaga codsadeen inay u soo baxaan dibad-baxyada jimcaha oo loogu magac daray, “Jimcihii dhimashada iyo Duli Diidka.”

Tirada dhimashada maanta ayaa kor u qaadaysa xadiga dadka rayidka ah ee ku naf waayay, xooga iyo gacanta birta ah ee xukuumadda Madaxweyne Bashaar Al-Asad kala hor tagtay kooxaha kacdoonka isbadal doonka ah dalkaas ka waday tan iyo badhtamihii bishii March, warbixino kooxaha xuquuqda aadamuhu soo saareena waxa uu cadaynayaa in 2200-qof ku dhinteen dalkaas, tan iyo markii mudaharaadyada lagu diidan yahay xukuumaddu bilaabmeen.
 
Dadka dhimanaya oo intooda badan loo isticmaalay rasaas nool nool, waxa ka sii daran, baadhitaanka joogtada ah ee lagu hayo shacabka iyo xadhiga aan kala joogsiga lahayn ee ciidamadda ammaanku wadaan, sida dadka u ololeeya xuquuqda aadamuhu ku doodayaana in ka badan labaatan kun oo qof ayuu maamulka Suuriya xidhay tan iyo markii kacdoonku bilaabmay, in badan oo ka mid ahna waxa lagula kacay, jidh dil iyo dacati ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
 
Dhinaca kale midowga Yurub ayaa cuna-qabatayn cusub ku soo rogay dalka Suuriya, taas oo sida la sheegay lagu muujiyo werwerka Yurub ka qabto arxan darada ciidamada milatariga ee dalka Suuriya iyo xukuumadda Madaxweyne Asad kula kacayaan dadka Rayidka ah ee sida nabad galyada ah u mudaharaadaya, dareenkoodana inay muujiyaan laga hor taagan yahay.
 
Midowga Yurub wuxuu si rasmi ah u joojinayaa saliida aadka u kooban ee dalal ka tirsani ka soo waaritaan dalka Suuriya. Cuna qabataynta midowga Yurub waxa kale oo ku jirta inaan waxba laga iibsan karin, lagana iibin karin xukuumadda Suuriya, sidoo kale aan loo ogolaan xubno badan oo ka tirsan maamulka Dimishiq ruqsadaha dal ku galka (Visas) ee midowga Yurub.
 
22-ka qof ee ku dhintay mudaharaadyadii maanta ka dhacay dalka Suuriya ayaa ku kala dhintay goobo kala duwan oo dalkaas ka mid ah, waxaana dhamaantood lala beegsaday rasaas ay milatariga dalkaasi ooda kaga qaadeen, tiro kale oo aad uga badan intaas ayaa iyaguna ku dhaawacmay, meelo badan oo ka mid ah dalka Suuriya ayaa cusbitaalada iyo goobaha caafimaadku ay ka cabanayaan in heerka dhaawaca iyo dadka ku waxyeelooba mudaharaadyadu aad uga badan tahay intii loogu tala galay ama ay awoodi karayeen, waxa kale oo jira cusbitaalo mar hore dawadu ka go’day.
 
Faysal Maxamed Xasan