Hargeysa- (Berberanews)- “Waxa jira in dadka qaarkood qaab qaldan ay u turjumayaan ujeeddada shirka, dadkaas qaabka qaldan u turjumayaana waxay u badan yihiin kuwa dawladda ku jira, kuwaasoo uu ka midyahay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Ramaax oo runtii aad ugu mashquulsan sidii uu u joojin lahaa Shirkaas dawladdana sawir xun uga siin lahaa, waxaan Anigu u arkaa inuu u shaqaynayo sidii Gaanni iyo Moorgan, Xukuumadda maanta jirtaana haddii wixii ay Af-wayne u sheegi jireen qaadato oo ay ku dhaqanto waxa imanaysa is faham-darro dadka iyo dawladda soo dhex-gala, markaa waxa looga baahan yahay inay iska jirto dillaaliinta noocaas ah ee sidii Moorgan iyo Gaanni wax u sheegaya ee dawladda iyo dadkeeda kala fogeynaya.” Sidaa waxa yidhi Xasan Saleebaan Cabdi-marayare oo ah Joolaji ku takhakhusay noocyada Macdanaha iyo qaababka loo baadho (Gemologist and And menoroligist), kaasoo Waraysi dheer, isla markaana dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska Ogaal iyo Shabakadda Berberanews,oo qaybtii koowaad aanu shalay idiin soo gudbinay.
Qaybtii labaad ee Waraysigaasna ayaannu maantana halkan idiinku soo gudbinaynaa su’aalihii Waraysiga lagu waydiiyey Xasan Saleebaan Cabdi-marayare iyo jawaabihii uu ka bixiyayba waxay u dheceen sidan ee akhris fiican:
S: Xasan dhibaatooyin fara badan oo nolosha aadamaha saamayn xun ku leh ayaad soo bandhigtay ee ka imanaya Macdanaha sida qaldan ee aqoon la’aanta ah loo qotay, markaa illaa hadda ma jirtaa cid dawladda Somaliland ka tirsan oo aad dhibaatadaa iyo sida ay wax u jiraan warbixin ka siisay ama aad kala hadashay?
J: Haa way jiraan, Guddoomiyaha Gobolka, Salaaddiinta, Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada reer Saaxil-ba waan u wada sheegay, qoraal aan ka sameeyeyna waan u bandhigay in la ogaado khatarahaas, waxaanan qoraalkaa laftiisa ku muujiyey in Wasaaradda lafteedu ay daba gasho, isla markaana dadka ay Liisammada u siinayso ee aanay wax shuruud ah ku xidhanaynin kaliya lacagta intaa le’eg bixiya mooyaane, taasoo aan aad ugu cambaaraynayo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha inaanay samaynin shuruudihii cidda macdan qodaysa looga baahnaa, wax shuruudihii looga baahna macdan qodista oo ay fulisayna aanu jirin, illaa haddana aanu ka muuqan dedaal ay ugu jirtaa. Markaa, Badhasaabka Saaxil, Madaxda dhaqanka iyo dhinacyo badan waan gaadhsiiyey, Saraakiil Wasaaradda Macdanta ka tirsanna waan gaadhsiiyey qoraalkaygaas.
S: Waxa jira in dhawaan la baahiyey in Markab Macdan kala duwan ah bilihii inna dhaafay laga dhoofiyey Dekadda magaalada Berbera, Markabkaa maxaad war ka haysaa ee aad nooga sheegi kartaa?
J: Horta, run ahaantii daraasaddan aan sameeyey waxaan bilaabay October sannadkii 2010, Deegaanno aad u badan baan maray, dhulkaa aan ku leeyahay Kufsi aad u daran oo deegaanka ah ayaa ka dhacay Xasuuq oo waxa laga qoday Macdano u badan Bir. Su’aashada haddaan u soo noqdo, waxaan siyaabo kala duwan ku ogaaday in dalkeenna laga dhoofiyo Macdano kala duwan oo Kolombaytku ka mid tahay, Ledhka, Tiinka macdanta loo yaqaanno, Birta iyo kuwo kale oo badan, kuwaasi haddii la dabagalo dadka ka shaqeeya dadkii soo qoday iyo goobihii ay ka soo qodeen dhibaato xoog leh ayaa la ogaan karaa, wax allaala wixii dhibaatooyin halkaa ka imanaya waxa ka masuul ah dawladda, dhaqaalaha yar ee ka soo galayana waxa kaga lumaya ayaa ka badan, dawladdu waa inaanay marka hore ku bixin oggolaanshaha iyada oo aanay u dhammayn hay’adihii u xil-saarnaa Caafimaadka, Deegaanka iyo iyada oo Macdantii ah, dadka macdanahaa ka ganacsanaya qaarkood Liisanba ma haystaa, Liisammada la bixiyana waan soo arkay oo waxay isugu jiraan, ka ganacsiga, ka sahaminta, iyo kuwo la mid ah. Dadka waxaa qodayaa waa bilaa qalab, Koonfur Afrika oo kale, iyo dalalka Macdanta Kolombaytka loo yaqaanno biyo iyo Ogsajiin ayaa lagu furaa, dadka ka agdhaw waa laga raraa deegaanka, lacag badan baa ku baxda, Hay’adihii dawladda ee kala duwanaa ayaa dabo socda, gododka iyo ciidda laga qodana loomaba dhawaado illaa dib loo aaso oo la nadiifiyo, halkanna inta wixii laga guranayey laga gurtay ayaa iyaga oo bilaa dabool ah laga tagayaa oo carruurtu ka cabbaysaa.
Haddii ay dawladdu dakhli ka heli lahayd iyo haddii uu gobolku dakhli ka heli lahaaba, ma jirto cid qiimaynaysa oo waxaa la rarayo eegaysa oo Wasaaradda Macdanta ama dawladda ka socdaa, markaa waxa ay Liisammada ka qaadanayso ee ay lacagta u aragto waxa kaga lumaya ayaa ka badan, arrintaana Wasaaraddu way ka seexatay. Shirkadaha qaata waxaan la xidhiidhay Shirkado waawayn oo Jarmal ah iyo kuwo reer Yurub ah, waxay ii sheegeen inay aamminsan yihiin inay Macdanta Somaliland qaataan, hase ahaatee, ay ku qaataan magaca Jabuuti oo aanay iyaga iyo Somaliland wax xidhiidh ah lahayn, laakiin ay cid kale oo halkan ka qaadaan dad kale. Waxa jira Ganacsato Yemeniyiin ah oo Jabuuti saldhiggoodu yahay, Yemeniyiintu waxay xidhiidh la leeyihiin dad dalka jooga oo waxan u sii ururiya, xattaa adduun innaga soo gala iska-daaye magaca Somaliland ayaan loo oggolayn in lagu dhoofiyo, iyaga oo Shirkadaha caalamiga ah ee Macdantaa loo geeyaa ay si rasmi ah u ogyihiin inay Macdanteennu ugu tagto magaca Jabuuti.
S: Waxaad sheegtay inaad soo diiwaan-gelisay illaa lix qof oo u dhintay xanuunno ay ka qaadeen gododkii ay Macdanta ka qodayeen, qaar badanina u jiifaan, markaa dadkaa dhintay kiiskooda inay Macdantaa u dhinteen ma Dhakhaatiir ayaa caddaysay mise waa loo tuhmayaa uun?
J: Waa Su’aal fiican, Anigu daraasaddan muddadii aan samaynayey dalka tuulotuulo ayaan u maray, muddana waan ku noolaa deegaannadaa, dadka doonaya in macdanta loo qodaa waxay adeegsadaan waxa u badan Tuulo-joogta iyo dadka deegaanka oo gododka Buuraha ka qoda, dadka qaar intii aan daraasaddan waday dhintay oo xanuunkooda aan aniguba soo booqday iyo Axsaabtii la shaqaynayeyba waxay ii sheegeen inay muddo shan sano ah Buuraha ay ku jireen oo ay gododka Macdanta qodayeen oo halkaa ay ku soo xanuunsadeen, sababaha ay u malaynayaanna tahay inay xanuunkii ay Macdanta ka soo qaadeen u dhinteen, gododkii waan arkay oo waa la igeeyey. Markaa, Anigu Dhakhtar ma ihi, Dhakhtarna maan wadan, laakiin markay kuu warramaan dadkaasi ee aad aragto noocyada macdanta ay qalab la’aanta ku qodeen inay u badheedheen halis fara badan oo dadka aqoonta u leh ee dunidu aad isaga banbaaniyaan ama uga fogaadaan oo ay sidii Xabaasha loo qodi jiray u qodeen, waxa kuu caddaanaysa inay weliba dhibaatada ka soo gaadhay, dadka, duunyada iyo deegaanka noqon karto mid sidii lagu waday ka yar markaad eegto khatarta ka dhalan karta. Sidaa daraaddeed, waxa loo baahan yahay inay dawladda iyo dadka aqoonta u lihi si dhakhso ah wax looga qabto dhibaatooyinkaas oo aan intaa ku ekayn ee illaa mustaqbalka deegaannadaas iyo dadka ku nool saamaynteedu isa soo tari doonto haddii aan dhakhso wax looga qaban.
S: Mar aad ka hadlaysay Shirka Beesha Ciise Muuse ku qabsanayso Deegaanka Dubur ee gobolka Saaxil, Masuuliyiin kala duwan ayaad eedo u jeedisay, maxaad ku caddaynaysaa eedahaas Xasan ahaan?
J: Waxaan ku caddaynayaa way jiraan Masuuliyiin, gaar ahaan maamulka gobolka oo isku dayaya inay shirkaa baajiyaan oo ay dadka qaar damceen inay xidhxidhaan qaarna xidhxidhay Odayaashii qabanqaabada Shirka. Immika Badhasaabka Saaxil ayaa kaw ka ah Masuuliyiintaas, Badhasaabka waxa u yaallo shaqooyin badan oo ka baylahsan oo arrimahaa dhibaatada macdanta ka mid yihiin ayaa u yaalla. Dawladda oo qaarkood Gobolka ka soo jeeda oo Dawladda ka tirsan oo taageeraya Shirka, oo u arka inay wax wanaagsani ka soo bixi karaan. Laakiin, kuwa Shaqo ka dhiganaya dillaalnimo dawladda iyo dadka ay ka dhex sameeyaan way ku daalayaan. Waxaan maqlay goobtii loogu talagalay Shirka dad rasaas ka rideen iyaga oo doonaya inay dadka geliyaan sawir ah dadbaa iskaga horyimi goobtii shirka, kuwa waxaas wadaana ay yihiin Masuuliyiinta gobolka ee doonaya inay dawladda iyo dadka kala dillaalaan oo iska horkeenaan, iyadoo runtii aanay wax dhibaato ahi halkaa ka jirin.
Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo waxaan odhan lahaa waxyaabihii aannu ku doorannay ee ay ka midka ahaayeen inuu Siyaasadaha arrimaha dibadda, arrimaha gudah, Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo guud ahaanba arrimaha bulshada horumarkooda ay wax badan ka beddalaan wixii hore u jiray inay ku jahaysnaadaan ayaanu soo jeedinayaa oo aanay qaadan wararka loo keeno ee ah balaayo ayaa la wadaa iyo waxaas ayaa dhacaya oo ay wararka dillaaliinta qaadato waxa imanaya inay dawladdii iyo bulshada kala fogeeyaan ee xaqiiqada jirta ku dhaqma ayaan leeyahay dawladda. Waxaan xasuustaa markii uu dhacayey Shirkii Gar-adag Madaxweynaha maanta talada hayaa isaga oo Guddoomiyihii KULMIYE ah ayuu ka qaybgalay, Guddoomiyaha Guurtida ayaa ka qaybgalay, markaaba dad baa lahaa balaayo ayaa ka imanaysa iyo Somaliland baa lagu baabbi’inayaa wax allaala iyo wax balaayo ah oo ka timina ma jirin ee si wanaagsan ayuu u dhacay, kan Beesha Saaxil qabsanaysaana waxaan qabaa inuu sidaas oo kale iyo si ka sii fiican u dhici doono. Laakiin, kuwa Xukuumadda ka tirsan ee Shaqada ka dhigtay inay dadka iyo dawladda ka dillaalaan, waxaan leeyahay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa sidii Gaanni iyo Moorgan bay u shaqaynayaan ee ha dhagaysannina.”
S: Maxaad uga jeeddaa waxay u shaqaynayaan sidii Gaanni iyo Moorgan?
J: Gaanni iyo Moorgan ayaa waxay Siyaad Barre siin jireen warar qaldan oo ka fog xaqiiqada ka jirta Somaliland oo markaa la odhan jiray Gobollada Waqooyi, Saraakiishii halkan u joogtay dawladda markii ay xaqiiqada ka fogaadeen waxa dhacday oo ay taasi sababtay inay aad u kala fogaadaan dawladdii iyo Shicibkii gobollada Waqooyi (Somaliland) oo xaqiiqada jirta haddii uu ka dhaqmi lahaa Afweyne waxa jira ayuu wax ka qaban lahaa. Maantana waxaad aragtaa inay innaga lafteenna innagu jiraan dad ficillada caynkaas ah leh oo hawlihii loo igmaday ee horumarka iyo wax qabadka lahaa ka door bidaya wax kale oo ay ka dillaalaan wax aan jirin, qofka war aan jirin bixinayaana waa qof ku hawlan camal-Shaydaan.
S: Xasan dadkan aad eedaha culus u jeedinaysaa waa Masuuliyiin dawladadeed oo aamminaad xilka ay hayaan loogu dhiibay, dadka iyo dawladdaba iyaga ayaa uga masuul ah dawladda, markaa ma laga yaabaa in siday wax u arkayaan wax u jiraan oo idinku aad xaqiiqada jirta iyo khataraha u muuqda aad iska indho-tiraysaan?
J: Anigu waxaan u arkaa in waxan la isku mashquulinayo oo qofku shaqadii u taallay midaan ahayn uu galayo, sababta aan taa u leeyahay waxa weeye Masuuliyiintu marka ay la socdaan xaqiiqada dhabta ah ee jirta dee waxaan jirin ma sheegaan, waxa meesha ka socdana Masuuliyiintu way ka war haysaa haddaanay is yeel-yeelaynin, Guddiyada loo xilsaarayna way la socdaan. Laakiin, marka qofka masuulka ah ee caynkaa wax u ogi shaqo ka dhigto inuu kala dillaalo dadka iyo dawladdii waxaan qurux badnayn baa ka soo baxaya, qofka camalu-shaydaanka lihina waxaan jirin ayuu shubaa. Hase ahaatee, anigu waxaan idiin caddaynayaa oo aan ogahay inaanu Shirkaasi wax dhibaato ah oo uu dadka iyo dalka iyo dawladda u leeyahay midna jirin, Qarannimada Somaliland iyo amniga guudna wax wanaag ah oo uu ku soo kordhiyo mooyee aanu waxyeello ku soo kordhin doonin. Waa Shir si nadiif ah diyaarintiisu u socdo horumar iyo wanaag ujeeddadiisu tahay, wax lagu wanaajinayo mooyee wax lagu xumaynayaana ma jiro. Beeshuna sida beelaha kale ayey xaq u leedahay inay wax is weydiiso oo iyadu daneheeda gaarka ah iyo horumarka ay gudeheeda samaysan karto, maqaalufadeeda iyo isku-xidhnaanteeda inay ka shirto waa wax ay xaq u leedahay, kuwa isle carqaladeeyana waxaan leeyahay ujeeddo aanu lahayn shirku ha u yeelina, hana isku daalinnina inaad is-hortaagtaan, waayo kii Madaxweyne Axmed Silaanyo Gar-adag kaga qaybgalayba Shir-beeleed buu ahaa, kanna wax uu kaga wanaagsanaado mooyee wax uu kaga xumaanayo ama dhibaato ah oo ka soo kordhaysaa ma jirto..”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com