Dhanxiir; Talow digtoorku isagaaba reer bari ahe maxaa maanka ka qaaday? Cajiib!

Maansha Allaah; Alleylehe, dawladdeennii waataa innaga so gaadhay qoomiyadaha kala duwan ee qarka u saarnaa inay inala wareegaanba, mar haddii amar lagu siiyey inay dareeraan oo mid walba ku laabto halkii uu ka soo tahriibay. Eesh calaa go’aan dheh. Sidii Yuhuuddu Falastiin u qabsatay ayeynu ku dhawaanay oo Oromadan is-wada dhashay ee hadh iyo habeen soo qulqulaya ayaa dalkaba sheegan gaadhay.

Weger; Adeer, welibaa sida qoom baahan loogu tacadiyo waad taqaanee, ma iminkaad iga dhaadhicinaysaa masaakiinta dawarada ku nool baa Land-ta oo S-tii hore joogto qabsan. Warkaasi igeli maayee, waxaad ka sheekaysaa Gabboosahan barigiiba khadka cas saaray ee yidhi waa bahalo-galeen ee ha u dhawaanina bariga Sanaag. Talow digtoorku isagaaba reer bari ahe maxaa maanka ka qaaday? Cajiib!