Madaxweyne Faroole oo Si Deg Deg ah uga Dhoofay Muqdisho iyo Mooshin ka Dhan ah oo ka Socda Garowe‏

Garowe (berberanews) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo hgaaminayey wafdi ka socda Puntland oo ka qeybgalayey shirka loogu magacdaray wada tashiga ee ka socda Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta ka soo dhoofay magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaadhaya Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole uu si deg deg ah uga so dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Garowe.

Madaxweyne Faroole ayaa sida qorshuhu markii hore ahaa waxay ahayd inuu sugo illaa inta maalinta beri ah shirka laga soo gabagabeynayo maadaama uu isagu hgaaminayey ergada ka timid dhanka Puntland, laakiin madaxweyne Faroole ayaa si kedis ah maanta u so afjaray joogitaankiisa Muqdisho.

Dhanka kale Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Garowe ayaa berberanews u sheegay in saacadihii u dambeeyey magaalada Garowe uu ka socday mooshin ka dhan ah madaxweynaha kaasoo ay wadaan qaar ka mid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland oo si weyn u dhaliilsan madaxweyne Faroole.

Ilo wareedyada ayaa xaqiijiyey in mooshinka uu mudooyinkanba socday ayna isku raaceen tiro ka mid ah xildhibaanada barlamaanka kuwaasoo u gudbiyey gudoomiyaha barlamaanka C/rashiid Maxamed Xersi, iyadoo gudoomiyaha barlamaankana uu markii hre isku dayey inuu yareeyo mooshinka looga horjeedo madaxweyne Faroole.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyey toddobaadkii hre markii ciidamada Puntland ay si bareer ah weerar ugu qaadeen dad shacab ah oo ku sugan xaafada Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo isla markaana madaxweyne Faroole uu arintaa raali galin ka bixin waayey ayuu gudoomiyaha barlamaanka gareystay in uu taageero mooshinka looga horjeedo madaxweyne Faroole ee ay wadaan mudanayaasha barlamaanka Puntland qaarkood.

Mooshinka ayaa sida warka aan ku heleyno waxay xildhibaanada qorsheynayaan in ay horgeeyaan golaha oo arka hore wax iska weydiin doona dhowr waxyaabood oo ay ka mid yihiin:
-Sidii madaxtooyada Puntland u maareysay dagaalkii garsoor oo ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 40 ruux oo rayid ah, kuna dhaawacmeen 120 kale.
-Dagaalkii Galgala ee lagu laayey dad rayid ah kuwa kalana lagu arakiciyey.
-Xiisad ka taagan degmada Baargaal iyo dhibaatada ka jirta gbolka Bari.
-Maqnaanashaha Laascaanood oo weli madaxtooyada Puntland aysan xitaa soo hadalqaadin.
Ma cadda in safarka deg dega ee madaxweyne Faroole ugu ambabaxay Garowe maanta uu la xiriiro mid hawlo kale ay keeneen iyo inuu yahay mid ka dhashay mooshinka isaga ka dhanka ah ee la socda xarunta Puntland kaasoo xilligan ku soo beegmay waqti xasaasi ah isla markaana madaxweyne Faroole uu gorgortan siyaasadeed kula jiro DKMG ah ee Muqdisho.
Arimahan ayaa haddaba soo axay xilli dad badan o reer Puntland ah ay qabaan su’aalo fara badan oo la xiriira fashilka ku yimid wax ka qabashada amaanka gudaha ee Puntland oo faraha ka sii baxaya iyo xukuumadii Puntland oo ku soo laabatay shacabkii maalin kastana xaafad weerar ku qaadeysa.

hadana waxa uu Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Farole uu ka soo  Degay Garoonka Diyaarada Magaalada Garowe.
Madaxweynaha ayaan ka Warbixin socdaalka uu kaga yimi Muqdisho uu ka socdo shirka loogu Magac Daray Shirka Wada Tashiga Soomaalida.
Ila Wareedyo ka Agdhow Madaxweynaha ayaa u sheegay warbaahinta in Madaxweynuhu uu u yimi Shaqooyin Farabadan oo u Yaal Gudaha Dalka Puntland .
Shirkana uu u Tagay in uu ka Jeediyo Khudbada ka ay ugu Talo Gashay Puntland, ayna Dhamaystirka u Joogaan Puntland Xubnihii ka Joogay ee ka kala socday Golayaasha.
Wakiilka deegaamada puntland
Maxamed Cabdiqaadir
berberanews.com