Muqdisho(Berberanews)- Shirkii wada-tashiga Kooxaha Soomaalida ee ka socday Muqdisho ayaa maanta lasoo gunaanaday, iyadoo ay khudbado kala duwan ka jeediyeen ergooyinkii ka socday beesha caalamka ee shirka goob-joogga ka ahaa iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta khudbadaha jeediyay oo ka kala socda Safaaradaha dalalka Yurub ay ku leeyihiin Kenya iyo Ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa dhammaantood sheegay in shirku uu ahaa mid si wanaagsan u socday saddexdii maalmood ee la fadhiyay.
Wakiillada Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa dhammaantood hoosta ka xariiqeen inay ku faraxsan yihiin shirka oo ay taageerayaan qodobbada kasoo baxay.
Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in qodobbada shirka lagaga hadlay ay diyaar u yihiin dowlad ahaan inay fulliyaan, isagoo ka dalbaday maamullada shirka ka qaybgalay inay iyaguna fulliyaan wixii lagu heshiiyay.
Shariif wuxuu ka dalbaday beesha caalamka inay gacan ku siiyaan DKMG ah sidii ay u fullin lahayd heshiiska lagu gaadhay shirka muddada 12-ka bilood ah ee soo socota, isagoo sheegay in iyadoo aan cidna la xaman ay wanaagsan tahay in qof walba loo sheego wixii ka qaldama.
“Dalka sidii looga gubin lahaa marxaladda uu ku jiro waa in si wadajir loo wajaho, waayo fashilkii hore waxaa keeni jiray shaki iyo iyadoo aan la heli jirin imkaaniyaadkii howsha lagu fullin lahaa,” ayuu yidhi Shariif, isagoo sheegay in dunida looga baahan yahay inay kaalinteeda ka qaadato fullinta qodobbada lagu heshiiyay.
Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in nabadda Muqdisho ay guusheeda leeyihiin dalal is-xilqaamay, isagoo intaas ku daray in dalalka caalamka ay u soo raraan Muqdisho Safaaradahooda maadaama ay nabaddu sidii hore ka wanaagsan tahay.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif oo ka hadlay gargaarka bani’aadamnimo ee loo fidiyay shacabka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay dalalka Jabuuti iyo Turkey oo uu sheegay in madaxdooda ay Muqdihso u yimaadeen sidii ay u arki lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Khudbadaha ayaa waxaa qaybinayay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobat uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga. Inkastoo shirka uu mar hakad galay, ka dib markii la isla garan waayay tirada ay noqonayaan xubnaha baarlamaanka Somalia
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.