Hargeysa(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo isaga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Musatafe Maxamed Qodax iyo baadhitaanka uu Hanti dhawraha Guud ka wado Wasaaradda.
Wasiirku waxa uu xusay in khilaafka u dhexeeya isaga iyo Agaasimihiisu uu daaran yahay isbedel uu Wasaarada ku sameeyay iyo in Agaasimaha Guud uu waajibkiisii shaqo ka soo bixi waayey, isagana ay khasab ku noqtay inuu Shaqadiisii uu isagu fuliyo. Sidoo kale, waxa uu Wasiirku beeniyay inuu gudbiyay dacwad ka dhan ah Agaasimaha Guud, balse waxa uu tilmaamay in isaga uu Agaasimuhu dacwad ka gudbiyay. Waxa kale, oo uu Wasiirku jawaab ka bixiyay dhaliilo ay ujeediyeen Ururka Waayo Arag.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay eedaha loo jeediyay qaar aanay waxba ka jirin, isla markaana waxa uu sheegay in arrimhaas uu ka dambeeyo Gudoomiyaha Ururkaai oo uu sheegay inuu shaqo ka dhigtay eedaha Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha. Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirka Ciyaaraha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa.
“Awoodaha waa la kala leeyahay oo maamul ayaa jira Madaxa meel ka sareeya oo la taabtaana ma jirto Agaasimaha Awooddaha waanu kala leenahay, shaqaalaha iyo wixii aan u igamado inuu fulliyo ayuun buu xaq u leeyahay, laakiin intii aad arkayseen ee aan anigu Wasiirka ahaaba aniga ayuun baa Garoon walba taagnaa, Tiyaatar walba joogay, khilaaf walba dhex galayey, xafiis walbana aniga ayuun baa maamulayey intaaba garab la’aan ayaa i haysay, marka haddaad qofka amaawiirta aad siiso wuu qaban waayo dee adigaa markaas shaqadii qabanaya.” Ayuu yidhi Wasiirku isagoo ka hadlaya khilaafka u dhexeeya isaga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas. Waxa kale, oo uu jawaab ka bixiyay eedo ay ujeediyeen ururka Waayo-Arag.
“Nimankaas Waayo-Arag ee Axmed Sawaalixi aniga xagayga kama qorna, ka Wasaarad ahaana nooma diiwaangashana, laakiin waxan aan taariikhda ku hayaa inay kolba Wasiirka Ciyaaraha Xag-xagtaan oo aniga Wasiirkii iga horeeyey ee Maxamed Saciid ay wareeriyeen dee haduu ninku wasiirnimo doonayo Axmed Sawaaxili waa nin reer Axmed -dee saamigiisa ha ku faylo, oo reer Axmed ha weydiisto oo ha u doonto, ka dib Madaxweynaha CVgiisa ha u gudbiyo, waxaanad moodaa in markasta Wasiirrada halkan yimaada wuxuu doono ha ahaadee inuu xagxaganayo oo aanu xishoonayn.” ayuu yidhi Wasiir Faahiye.
Wasiirka Ciyaaraha oo ay warbaahinta weydiisay Baadhitaanka uu Handhidhawrka Guud ee Qaranku ka wado Wasaaraddiisa ayaa waxa uu ku jawaabay; “ Hay’adda Hantidhawrku waa Hay’ad Qaran oo aynu samaysanay, xaq ayeyna u leeyihiin inay Maamulka inoo toosiyaan wixii la lunsadayna ay baadhaan, anigu 80 maalmood oo aan joogay waxaan ku qabtay dadkaa ka marag kacaya, wanaagana dad si kale u arkaa jira, Hantidharuhuna shaqo iyo waajib uu leeyahay ayuu gudanayaa waanay socotaa.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.