Masuulliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha Togdheer oo Wasiirka ku ammaanay xallinta Khilaaf ka taagnaa Gobollada Qaarkood

Bucro-(berberanews)- Masuulliyiinta Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Togdheer , ayaa shir  jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Wasaaradda Burco, ayaa ku taageeray tallaabadii Wasiirka dhallinyaradu ku demiyay xiisad ka taagnayd dhinaca ciyaartoyga Gobollada Togdheer, Awdal, Sanaag iyo Gabiley.

Gudidayada Wasaaradda Ciyaaraha Togdheer  waxay Wasiir Siciid Cabdi Faahiye ku ammaaneen inuu waxqabad ballaadhan muujiyay mudada uu xilka hayo, isagoo shanka kalena wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay warar lagu qoray wargeysyada oo wax lagaga sheegayo wasiirka, kaasoo ay eediisa dusha ka saareen Ururka Waayo arag.

Isu-duwaha wasaarada ciyaaraha ee gobolka Togdheer  Cabdikariin Muraad,  kuxigeenkiisa  kayse waxay sheegeen in uu wasiirku xaliyay khilaafyo ka jiray wasaaradaha ciyaaraha ee gobolada Togdheer, Sanaag,  Gabilay iyo Awdal, waxaanay  tibaaxeen in ay ka xunyihiin khilaafka u dhexeeya wasiirka ciyaaraha iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Waxa kale, oo shirkan jaraa’id ka hadlay xubno katirsan Guddiyada wasaarada ciyaaraha oo  ay kamid ahaayeen Cabdi Yuusuf Cabdi,  Jamaal cismaan saleebaan iyo Cabdi  maxamed  quluunbe.

weriye : Mukhtaar Maxmed Jama <m.nadaara >