“Xukuumaddani waa mid kala shaqaynaysa, waxay u kala jabtay boqol group oo is dhex yaacaya oo danno kala duwan leh” G. Xigeenka ! aad Ee Kulmiye

Berberanews(Hargaysa):- Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Mudane C/raxmaan Cabdiqaadir oo u waramaayey telefishanka caalamiga ah ee HCTV ayaa wuxuu dhaliil usoo jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isagoo ku tilmaamay inay gebi ahaanba Xukuumaddu u kala jajabtay wuxuu ku tilmaamay kooxo midba gaar u shaqaynaayo.
Guddoomiye C/raxmaan C/qaadir wuxuu sidoo kale ku dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in gebi ahaanba shaqaale hoose ilaa iyo heer Qarran Beesha degta galbeedka Burco, Beriga Sanaag iyo Degmada Oodweyne ay ka maqanyahiin Xukuumadda isagoo taasina ku sababeeyey wuxuu ku tilmaamay nasiib darro.
Guddoomiyaha 1-aad ee xisbiga KULMIYE Mudane C/raxmaan C/qaadir isagoo ka hadlaya arrintaasi wuxuu yidhi “waxaan ka soo noqday gobolka aanu anagu Beel ahaan degno ee galbeedka Burco iyo Berri sanaag, dadka halkaasi degeni waxay la yaabanyahiin waxaa dhacay ee Xukuumaddii aanu doorka ku lahayn ee aanu u halganay markay Siilaanyo mucaaridka ahaa, markii ololaha doorashada lagu jiray dadka deegaanadaasi degeni waxay KULMIYE siiyeen codka ugu badan weliba anaga oo ahayn dadkii Beesha ee ugu jiray xisbiga Siilaanyo shiling aanu ku ololayno maanan weydiine anagoo jeebadahayaga isticmaalayna ayaanu u ololaynay, maantana kii ugu danbeeyey ee beeshayadaasi kaga jiray wuxuu ahaa Gaboose isagiina waa ka ka tagay”
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE oo ka hadlaya waxyaabaha layaabka ah ee isaga fajaca ku noqday waxay tahay wuxuu yidhi “dawladda waxaa kaga jiray ugu yaraan toban agaasime iyagiina mid mid ayaa loo khaarajiyey, waxyaabaha aan la yaabo ee hoose waxaa ka mid ah maalin dhawayd ayaan Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi oo ah nin aanu saaxiib nahay aan la kaftamay waxaan ku idhi, Maxamuudow dee reerkii waxaa ka hadhay Inan Madaarka ka shaqaysa inantaasi ayaa noogu hadhaye noo ilaali ayaan idhi, maalintii aan la hadlay laba maalmood ka dib ayaa inantiina laga soo eryay, dee marka anigaaba dib isku canaantayo waxaan is idhi haddii aanad la hadli lahayn inantaasi shaqadeeda way sii joogi lahayd oo way haysan lahayd” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE.
Mudane C/raxmaan C/qaadir wuxuu sheegay inuu arrintani kala hadlay Madaxweyne Siilaanyo laftigiisa oo uu u tagay isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Madaxweynaha arrintani waan kala hadlay oo waan u tagay xafiiskiisa, Madaxweynaha waxaan ku idhi Madaxweyne maxaa dhacay ee Beeshani loo saluugay, wuxuu igu yidhi marka waar waxbaba maan ogayne arrinta aniga dhamaynaya waanan ka wada hadli doona, marka Buuga yar ee akhtarka ah ee uu wax ku qor-qorto ayuu ku qorayo wuxuu igu yidhi arrinta si gaar ah ayeynu uga hadlayna, dabadeedna dib iilama soo hadal qaadin, maalintiibana iskugu kaayo danbaysay waxaana xigtay in xita shaqaalahii Dawladda u shaqaynaayey ee Beesha mid mid loo caydhiyo” ayuu yidhi Mudane C/raxmaan C/qaadir
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE Mudane C/raxmaan C/qaadir oo ka hadlaayey kala daadsanaanta iyo kooxaysiga ka dhex muuqda Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi “horta inadeer dhibaatada jirta waxay tahay Xukuumaddii Kulmiye waxaa haysta dhibaato aanan markii hore islahayn way dhacaysa, horta markaad eegto Xukuumadayadani iyo tii Rayaale markaad mid mid shakhsi shakhsi isku bar-bar dhigto dee anaga tayo fiican oo jeex naga gaadhi maayaan, balse tii Rayaale mid ayey nagu dhaameen oo waxay ahaayeen Group wada shaqeeya oo isku duuban oo sirtooda qarsada, laakiin Xukuumaddani waa mid kala shaqaynaysa, waxay u kala jabtay boqol group oo is dhex yaacaya oo danno kala duwan leh, marka waxaan idhaahda Xukuumaddii Rayaale waxay ahayd Casaabad is haysata oo isku duuban” ayuu yidhi Mudane C/raxmaan C/qaadir
Hadalka ka soo baxay Sarkaalka labaad ee ugu sareeya Xisbiga Xukuumadda ee KULMIYE ayaa qayb ka ah dhaliilo isbiirsaday oo maalmahii ugu danbeeyey ka soo baxaayey Masuuliyiin kala duwan oo u dhaw Xukumadda iyo xisbigeeda, arrintani ayaa laf dhuungashay iyo waran siyaasadeed ku noqonaysa Maamulka Madaxwyene Siilaanyo iyadoo taasina daaha ka rogtay in Madaxweynaha laftigiisu aanu wax badan oo xukuumaddiisa dhexdeeda ah aanu ka war-haynin.
Source: HCTV
info@berberanews.com