Berbera: Magaalo wada-shaqaynta madaxdeedu u suurtagelisay horumar

Berbera-(Berberanews)- Tan iyi intii maamulka cusub ee ay la wareegeen awooda dalka, waxa muuqanaysay isbedelo dhinaca dhismayaasha iyo qurxinta ah oo meelo kala duwan oo dalka ah ka socday, hase ahaatee magaalada Berbera ayaa loo arki karaa inay tahay mid si weyn uga faa’iiday isbedelkaas.

Dawladda Hoose ee magaaklada Berbera waxay ku naaloonaysaa mashaariic badan oo ay ka fulisay magaalada, iyadoo inta badan cidina aanay ka caawin, taasoo caasimadaha dalka ee kalena ay kaga dayan karaan.

Magaalo-xeebeedda Berbera, ayaa  mudo badan ka o manayd dhaqaalaha mugga leh ee ka soo baxa dekedda iyo ilaha kale ee dhaqaale. Hasyeeshee waxa muuqata in magaalada Berbera ka soo kabanayso dib-u-dhac iyo horumar la’aan ragaadiyay addeegyada bulshada Berbera.

 

Tallaabooyinka la taaban karo ee ay xilligan ku tallaabsatay magaalada Berbera, waxa ka mid ah laamiyo si hagar la’aan ah dawladda hoose uga hirgelisay gudaha iyo dacalada magaalada. Sidaa daraadeed waxay Berbera noqotay hormoodka dhinaca waddooyinka, sidoo kale waxa goobaha isgoysyada loo sammeeyay tabeelooyin iyo kaabado si farshaxan leh loo nashqadeeyay, kuwaasoo soo celiyay muuqaalkii magaalonimmo ee Berbera.

 

Magaalada Berbera waxaa laga hirgaliyay biyo-mareenno u suurtageliyay inay magaaladu nadiif ahaato xiliyada roobabku da’aan, islamarkaana dawladda Hoose ee Berbera waxay haatan wadaa dhismaha garroonkii ugu weynaa kubadda cagta ee laga hirgeliyo Somaliland.

Maamulka dawladda Hoose ee Berbera waxay haatan wadaan qorshe ay doonayaan inay dhir fara badan ku beeraan magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda, si loo yareeyo kulaylka xad-dhaafka ah ee xilliyada xaggaaga ka dhaca Berbera, sidoo kalena ka dhigi doona Berbera magaalo bilic leh oo soo jiidata indhaha dadka reer Somaliland iyo dalxiisayaashaba.

 

Addeegyada aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, ayaa isbedel ballaadhan lagu sammeeyey, taasoo u sahashay boqollaal qoys oo hore uga hayaamay duruufihii adkaa ee hadhaysay magaalada Berbera inay dib ugu soo laabtaan wakhtigan, kuna negaadeen.

Wada-shaqaynta masuulliyiinta:

Tan iyo intii magaalooyinka Somaliland laga hirgeliyay goleyaasha deegaanka ee rabitaanka shacabka ku yimi, waxa inta badan dhegaha shacabka daashaday khilaafaad hadheeyay daladaha hoose iyo maamulada gobollada, kaasoo ragaadiyay hab-sami-u-socodkii shaqo ee loo igmaday, haseyeeshee gobolka Saaxil oo ka mid ahaa gobollada dawladda hoose iyo maamulka gobolka isla-jaanqaadin, ayaa intii maamulka cusub yimi, waxay si la taaban karo uga baxeen mawjaddaas . islamarkaana maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Saaxil waxay si wada jira uga hawlgalaan tallaabo kasta oo horumarineed, nabadgelyo, iskaashi iyo wadashaqayn. “Tan iyo intii maamulka cusubi awooda dalka la wareegay, runtii waanu isla jaanqaadnay, oo waxkasta oo yimaada badhasaabka oo kale barbarkiisa ayuu haystaa. Waanaanu ka kornay waxyaabaha khilaafaadka ah ee gobollada kale wareeriyay.”sida waxa yidhi Maayarka Degmada Berbera Md. Cabdalle Maxamed Cara boo dhawaan waraysi siiyay suxufiyiin ka socda Berberanews iyo Wargeyska Ogaal oo safar shaqo ku tegay Berbera.

 

Inkastoo maayaradda caasimaddaha kale la sheegay inay waxqabteen, haseyeeshee kulan ay isugu yimaadeen maayarada magaalooyinka oo sanadkan badhtamihiisa ka dhacay Berbera waxay maayar Cabdalle u aqoonsadeen inuu yahay maayarka ugu waxqabadka badan Somaliland. Hase ahaatee tallaabadan midaysay maamulka gobolka Saaxil ee heer gobol iyo mid degmo waa mid looga fadhiyo inay la yimaadaan maamulada gobollada iyo degmooyinka dalku, sababtoo ah waxa ku xidhan wanaajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com