“Arrinta dhacday oo ah ceeb Qaran waxay u taallaa Xisbi kasta iyo Urur kasta oo dalka laga sameeyo cid gaar ahina sheegan doonto, maaddaama oo ay Maxkamadii dalka ugu sarraysay arrintaas jidaysay.”
Hargeysa(Berberanews)- Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, ayaa shaaca ka qaaday inay ka guurayaan magicii UCID oo ay samaysanayaan Xisbi-siyaasadeed kale, ka dib markii sida uu sheegay uu u cuntami-waayey go’aan ay shalay Maxkamadda sare ee Somaliland ka gaadhay Dacwadda khilaafkii dhinacyada hoggaaminta UCID ku muransan oo uu Garab ka mid ah isagu hoggaamiyo.
Aadan Waqaf, waxa uu sidaa ku sheegay War-Saxaafadeed uu cawaysinkii dambe ee xalay soo saaray, kaasoo uu kaga hadlay go’aankii ay Maxkamadda ka filayeen iyo ka ay ku dhawaaqday, isla markaana ku deedifeeyey in go’aanka Maxkamaddu si caddaaladda waafaqsan u dhacay. Warkaa qoraalka ah ee Aadan Waqaf xalay soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:- “Maanta (shalay) oo ay taariikhdu ahayd 11-0-2011 waxa maxkamadda sare ee Somaliland soo saartay jawaabtii in muddo ahba laga sugayey ee ku saabsanayd khilaafkii ka dhashay hoggaanka Xisbiga UCID. Waxannu Maxkamadda sharafta leh ka sugaynay go’aan cad oo qeexaya hoggaanka sharciga ah ee Xisbiga UCID yeelanayo iyo inay nagu kala saarto xeerarka iyo dastuurka dalka u yaala iyadoo raacaysa xeerkii Xisbiga UCID u yaallay.
Haddaba, go’aankaas ka soo yeedhay Maxkamadda sare waa go’aan yacyacood ah oo aan qeexaynin cidda hoggaanka sharciga ah noqonaysa, iyo xeerka saxda ah ee Xisbiga UCID-ba, waxanay Maxkamaddu markale madaxa noo galisay khilaafkii muddo lix bilooda oo hore xal laga gaadhiwaayey.
Maxkamaddu waxay u muuqataa inay ku dhiirranwayday xukunka saxda ah iyo inay qeexdo cidda hoggaanka sharciga ah noqonaysa, waxaanay Maxkamaddu soo saartay xukun koox gaar ah u adeegaya waxa kaloo cad inanaay Maxkamaddu ridin xukun sharci ee ay ridday mid siyaasadi ku kalliftay, waxaanay baabiisay dimuqraaddiyaddii toban sano halganka loogu jiray.
Annagoo u tudhayna ummaddayada iskana ilaalinayna muran dambe oo saameeya nabadgelyada dalka waxannu caddaynaynaa inaanay suurogal ahayn in mar dambe ay wax na dhex maraan Faysal, Xisbina annaan wadaagayn, wax shir ah oo aannu la galaynaana aanay jirin. Haddaba, iyadoo Maxkamaddu ku guul-darraysatay inay nakala saarto waxaannu go’aan ku gaadhnay inaannu marno waddo siyaasadeed oo cusub tashigeedana ay isaga imanayaan dhammaan Golayaashi uu ka koobnaa Xisbiga UCID iyadoo aanu go’aan ku gaadhnay inaannu ka tagno magacaas UCID.
Waxa naga xasuusin ah arrinta maanta dhacday oo ah ceeb qaran inay u taallo Xisbi kasta iyo urur kasta oo dalka laga sameeyo cid gaar ahina sheegan doonto, maaddaama oo ay Maxkamadii dalka ugu sarraysay arrintaas jidaysay.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.