“Maamul waxa samaysan kara laba gobol iyo wixii ka badan oo ka tirsan 18-kii gobol hore ee Soomaaliya…”

Golaha Wasiirrada TFG oo yeeshay shir ay arrimo dhinacyo badan taabanaya kaga hadleen

Muqdisho, (Berberanews)- Golaha Wasiirrada dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in la abuurayo Guddiyo dadka Soomaaliyeed u dhan yihiin oo dhammaystira, isla markaana dib-u-eegis ku sameeya Dastoorka qabyada ah ee Soomaaliya, waxaanay sheegeen inay dawladdoodu dhiirrigelinayso maamul-goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Waxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta xarunta Filla Soomaaliya ee magaalada Muqdisho shir aan caadi ahayn ku yeeshay, ugu baaqeen bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada nabadgalyadu ka jirto ee Soomaaliya inay maamul-goboleedyo waafaqsan Axdiga Ku-meel-gaadhka ah sameeyaan. Shirkaa aan caadiga ahayn ee ay Golaha Wasiirradu yeesheen oo uu guddoominayey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa laga soo saaray War-Saxaafadeed qoraal ah oo ay ku suu ururiyeen guud ahaanba qodobbada ay Shirkooda kaga wadahadleen Wasiirradu.

Warkaas qoraalka ah oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“1. Dawladda Federaalka KMG ah waxey magaacaabeysaa Guddi khubara Soomaaliyeed ah, kama danbays September 19, 2011 oo dib u eegis ku sameeya qabyada qoraalka Dastuurka ka dibna soo gudbiya qabyo qoraal Dastuur oo dhammaystiran. Guddigu wuxuu noqonayaa mid loo wada dhan yahay oo cidna aanay ka maqnayn haddii ay ahaan lahayd xagga qabiilka, iyo gobollada, Dumarku waxey noqon doonaan illaa 4 hadii ay tiradu 9 tahay, waxey kaloo noqon doonaan illaa 6 haddii ay tiradu tahay 15.

2. Guddi wada-jir ah oo ka kala socda dhammaan dhinacyada kala duwan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa lasoo magacaabayaa muddo aan ka danbayn 19 September 2011 si loo diyaariyo qaabkii lagu ansixin lahaa qabyo qoraalka Dastuurka.

3. Guddiga khubarada Soomaaliyeed waa inay shaqa galaan xilli aan ka danbayn isbuuca hore ee October 2011, si ay u billaaban wada-tashiyo dhinacyada kala duwan oo ku saabsan arrimaha xukunka baahsan iyo faderaalka (federalism) iyo dhammaystirka arrimaha lagu kala duwan yahay kama danbays xilliga October 19, 2011.

4. Laga billaabo isbuuca 1aad ee October, Wasaaradda Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiintu waxey bilaabaysaa wada-tashiyo guud oo ku saabsan Dastuurka iyadoo adeegsanaysa Raadiyaha, TV-yada, Masraxa iyo isku imaatinno kale oo ka dhaca magaalooyin iyo gobollo kala duwan.

5. Shirka 1aad ee ku saabsan Dastuurka oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan oo lagu qabto Garowe dhammaadka October 2011. Shirkaasi wuxuu noqonayaa mid ka mid ah shirar badan oo ka dhici doona magaalooyin kala duwan oo dalka gudihiisa ah.

6. Laga bilaabo November 2011, Guddiga khubarada oo la qabanaya kulammo wada-tashiya ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, Dumarka, Bulshada rayidka ah, iyo Ganacsatada si ay uga helaan talooyin wax ku ool ah.

7. Bisha November 2011 dhexdeeda, Wasaaradda Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiintu waxey si rasmi ah u horgeynaysaa Baarlamaanka codsi ku saabsan in la billaabo qaabkii Axdiga KMG ah wax looga beddeli lahaa sida uu ula jaanqaado geeddi-socodka samaynta Dastuurka. 8. Guddiga Wada-jirka ah inuu billaabo diyaarinta qaabkii lagu ansixin lahaa Dastuurka November 2011, si aanay uga daba marin xilliga loo qabtay ansixinta Dastuurka ee KMG ah oo ah January 2012.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxey dood dheer ka yeesheen arrimaha maamul-goboleedyada iyo qaabkii dawladda u dhiirri-gelin lahayd maamul-goboleedyada hadda jira ee waafaqsan Axdiga KMG-ka, gobollada kale oo nabadda ahna dawladdu waxey diyaar u tahay iyadoo bulshada kaashanaysa inay la samayso maamul, isla markaasna waxey ku dhiirri-gelinaysaa bulshada iney samaystaan maamullo, maamulladu waa inay waafaqsanaadaan Axdiga Federaalka KMG ah oo dhigaya maamul waxaa samaysan kara laba gobol iyo wixii ka badan oo ka tirsan 18 kii gobol ee hore ee dawladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ka warbixiyay sida loogu diyaar-garoobayo Wefti ballaadhan oo khubarada Turkiga ah oo dalka dhawaantan imanaya.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.