Puntland oo walaac weyn ka muujiyey Kalluumaysato la waayay iyo Maamul-goboleed ka go’ay

Garowe(Berberanews)- Koox kalluumaysato ah oo tiradooda lagu sheegay in ay gaadhayaan 17-ruux ayaa la sheegay in la waayay, ka dib markii ay maalmo ka hor u baxeen in ay soo kalluumaystaan iyaga oo watay afar saxiimadood oo nooca lagu jillaabto ah.

“Annaga ogaalkayo waxa warbixinta aan ku haynaa in baadi-goob ka dib aan la hayn meel jaan iyo cidhib ay dhigeen kalluumayastadaasi.” Sidaa waxa yidhii Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Maxamed Faarax Aadan oo warbaahinta la hadlay shalay.

Waxaa kale, Wasiirku uu sheegay in la soo helay afartii saxiimadood ee markii hore ay kaxaysteen, isagoo xusay in wali ay socdaan baadhitaanada lagu raadinaayo Raggaasi oo u badnaa Ganacsato ka shaqaysa qaybo ka mid ah Xeebaha gobolka. “Maalmahan waxaa jiray dabaylo aad u xoog badan oo hakad galiyay Ganacsiga Gaadiidka Badda qaar, gaar ahaan halka lagu magacaabo Raasiga Binna oo ah meesha ay iskaga darsamaan Gacanka Cadan iyo Hindiya.” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirku. Wasiirka Kalluumaysiga Maamul-goboleedka Puntland waxa uu walaac ka muujiyay halka ay ku danbeeyeen kalluumaystadaasi.

Wasiirka ayaa xusay in digniinno ay siiyeen dadka ku dhaqan degmooyinka kulaala Xeebaha Puntland si ay uga digtoonaadan dabaylahaasi, isagoo tilmaamay in kalluumaystada laga yaabo qaarkood Badda in ay ku qaraqmeen.

Qaar ka mida Ehelada Kalluumaysatada la la’yahay ayaa maamulka Puntland ka codsaday in aan laga mashquulin raadinta Raggaasi, waxaana qaarkood ay dhalliilo u jeediyeen dowladda,taasi oo ku aaddan sababta keentay in kalluumaystada la waayo.

Maaha markii ugu horreysay ee ay dhacdan oo kale lagu arko Xeebaha Puntland, waxaana shaki laga qabaa in Maraakiibta Ciidammada NATO ee la-dagaallanka Budhcad-badeedda u jooga Xeebaha Soomaalida ay ku lug leeyihiin kalluumaystada inta badan lagu waayo qaybaha kala duwan ee Xeebaha Soomaaliya.

Dhinaca kale,Sida lagu baahiyey Bogga Internet-ka ee Radio Hormuud.dk, maamul-goboleed ayaa ka go’ay maamulka Puntland, kaasoo la sheegay in uu la magac-baxay Karkaar State. Sida ay Radio Hormuud u xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Qardho ee xarunta gobalka karkaar  oo Telefoon kula xidhiidhay, waxa halkaas ka dhacay Kulan ballaadhan oo lagaga dhawaaqay Maamul-gobaleed ka madax-bannaan Puntland  oo lagu magacaabo Karkaar State. Warka boggaas lagu baahiyey waxa uu intaa ku darayaa in Madaxweynaha maamulkaas loo doortay nin lagu magacaabo Maxamed Jaamac.

Ku dhawaaqidda maamul-gobaleedkaas ayay sabab uga dhigeen Xubnihii ka hadlay shirkaasi inay ka dhex arki waayeen danahooda maamulka Puntland. Waxaanu noqonayaa Maamulkaasi kii labaad ee ka tirsanaa Puntland ee ka go’a iyadoo hore loogu dhawaaqay maamul-gobaleedka la magac-baxay Raascasayr. Tirada maamul-gobaleedyada Soomaaliya ayaa illaa hadda maraya 15 maamul-goboleed.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.