Hargeysa(Berberanews) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay shalay inuu Qoraal Digniin ah oo uu kaga codsanayo inaanay shaqaalaha Dawladdu soo faragalin arrimaha Xisbiyadda u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.
Qoraalka Digniinta ah waxa uu Guddoomiyuhu kaga jawaabayay waraysigii uu Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Hay’adda La-dagaalanka AID’s-ku ku duray inaanu sharciga Xisbigu u ogolaanayn Guddoomiyaha Xisbigu inuu jagada Xoghayaha Guud si ku-meel gaadh ahaan ah ugu magacaabo qof aan ka tirsanayn Guddida Fulinta ee Xisbiga, kaasoo uu Guddoomiyuhu ku sheegay inaanay u banaanayn qof shaqaale ka ah Hay’addaha Dawladdu inuu ka hadlo arrimo Xisbi.
sidoo kale waxa la sheegay Qoraalka inuu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kula socodsiiyay Madaxweynaha inuu Guddoomiye ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/qaadir kala hadlay Eedihii uu Madaxweynaha iyo Xukuumadda u soo jeediyay taasoo uu ku sheegay in uu u bandhigay inaanu mar danbe Xukuumadda Dhaliilin haddii kale uu u Ban-baxo Mucaarad-nimo.
Qoraalkan oo aan Saxaafadda loo ogolayn ayay Ilo xogogaal u ahi Waaheen u sheegeen in shalay la gaadhsiiyay Madaxweynaha isla maarakaana uu Guddoomiyaha Kulmiye Ogaysiin siiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga ayaa ka hor intaanu qoraalkan soo saarin la sheegay inuu shir kala yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Sare ee Xisbiga kuwaasoo ka dooday Nuxurka jawaabta uu Guddoomiyuhu qoray.
warar kale oo dheeraad ah oo aanu ka helnay Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye intaanu magacaabin Xasan Siciid inuu ka helay Madax dhaqameedka Beesha Xoghayaha iyo Siyaasiyiintoodaba inuu ka helay Qoraalo ay ku cadaynayaan in ay isla ogolaadeen in Xasan Siciid Buuxiyo jagadii uu ka baxay Xoghayihii Geeriyooday, iyagoo daliishanaya qaabka Xisbigu ku dhisan yahay oo ah qaab Beeleed isla markaana ay xaq u leeyihiin Xubinta Golaha Dhexe in ay Beel walbaaba soo buuxsan karto haday u banaanaato.
sida ay ilahaasi sheegayaana magacaabista Xubinta Guddida fulinta uu Guddoomiyuhu xaq u leeyahay sidaana Xasan Siciid ugu magacaabay maadaama labada Xil-ba uu hayo in loo magacaabi karo jagadaasi sida uu dhigayo Xeerka Xisbigu
soucre: waaheen