Hargeysa (Berberanews)- Mac-hadka dalka ku cusub ee FFOP (Focusing first on people) oo bixiya tababaro xirfadeed oo dadka lagu dhisayo, ayaa shahaadooyin caalami ah oo laga aqoonsan yahay ilaa 120 dal guddoonsiiyey dufcadii ugu horreysay ee ka qallinjebisay.
Ardayda qallinjebisay oola baray xirfado ay ka mid yihiin luuqadda Ingiriisiga, maamulka ganacsiga iyo hannaanka looga shaqeeyo xafiisyada oo si casri ah loo baray, waxa shahaadada la siiyey bixiyey mac-hadka caalamiga ah LCCI oo xaruntiisu tahay magaalada London ee cariga Ingiriisiga, kaas oo ka shaqeeya 120 dal oo adduunka ku yaal.
Mac-hadkan oo ay aasaaseen dhallinyaro qurbaha ka soo laabatay, waxa lagu baranayaa tababaro la xidhiidha xirfadaha lagu shaqaysto, waxaannu bixinayaa shahaadada mac-hadka caanka ah ee LCCI ee xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaas oo xarumo ku leh ilaa 120 dal.
Munaasibad lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo loo sameeyey qallinjebintaasi ayaa noqotay mid gebi ahaanba ka duwan kuwa nooceeda oo kale ah ee dalka ka dhaca, iyadoo lagu soo casuumay dad aan siyaasiyiin ahayn, balse bulshada dhexdeeda caan kaga noqday dadaal arrimaha bulshada ah oo ay bilaabeen, kadibna ka midho-dhaliyeen, waxaanna dadkaasi oo u badnaa dhallinyaro ka mid ahaa maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed, Agaasimaha telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Ilig, madaxa xarunta dhaqanka iyo ciyaaraha ee SOCSA Khadra Kaliil, Agaasimaha Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin dhallinyaro ah, madaxa Suuqgeynta shirkadda Nationlink Fowsi Dheeg, wakiil ka socday shirkadda ganacsiga qalabka guryaha lagu qurxiyo ee Al-Nuur iyo xubno kale.
Maamulaha mac-hadka FFOP Mr. Cabdi Yuusuf oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada mac-hadka ay u aasaaseen iyo nooca waxbarashada ay bixiyaan, waxaannu yidhi, “Haddii aad maanta Somaliland eegto waxa ku yaal jaamacado iyo kulliyado badan, annagu dhinac kale ayaanu ka marnay oo culayskayaga waxaanu saarnay waxa jira dadka xoogga dalka ah ee shaqeeya oo la ilaabay dhinaca waxbrashada, rukunada Somaliland waa dadka shaqeeya haddii la ilaabana dalku jirimaayo, markaa kuwaa sidii loo tababari lahaa ayaanu mac-hadkan u furnay.”
“FFOP waxaannu nahay urur xafiiskiisu ku yaal dalka Ingiriiska oo mashaariic badan fuliya, barogaraamyada aannu bixino oo ah in dadka la baro xirfado wakhtiyo kooban ah waxa waxbarashadeeda, imtixaankeeda iyo shahaadada aannu bixinaaba ay ka imanayaan magaalada London,” ayuu yidhi Mr. Yuusuf.
Maamuluhu waxa uu xusay in waxa dalka lagu dhisi karo ama lagu horumarin karaa tahay xirfadaha oo la tayeeyo, waxaannu ku baaqay in la iska kaashado sidii looga faa’iidaysan lahaa aqoonta iyo maskaxda waddanka taal.
“Waxaynu u baahanahay in dalka aynu ku dhisno xirfad. Waxa kale oo jira dad badan oo dalkan dibada kaga maqan waa in aynu isku dayno sidii aynu u soo celin lahayn oo la iska kaashado, waddanka aqoontii iyo maskaxdiiba way inoo joogtaa, laakiin waxa culays inaga saran yahay sidii aynu uga midho-dhalin lahayn,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Mr. Cabdi Yuusuf.
Dhinaca kalena, marti-sharaftii lagu soo casuumay munaasibadda oo ka dhacday huteelka Maansoor, ayaa hambalyo iyo ammaan u soo jeediyeen dhallinyarada qurbaha ka soo noqotay ee bilowday mac-hadka FFOP iyo weliba hannaanka ay u mareen waxbarashada ku salaysan dhismaha dadka ee ay weheliso shahaadada caalamiga ahi.