Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dawlada Ingiriiska oo socdaal ku yimid dalka.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda oo u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo ka socda safaarada ay dawlada Ingiriisku ku leedahay Addis Ababa.
Weftigan oo uu horkacayo Chris Allan oo ah ku xigeenka madaxa Hay’adda msiisio, isla-markaana ay weheliyaan xog-hayaha labaad ee safaarada Ingiriiska ee dalka Itoobiya Matt woods iyo Haweenay ka socota Hay’adda DFID ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo kaalmooyinka oo lagu magacaabo Paulina.
Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay kulankooda kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta arrimaha bulshada iyo adkaynta nabad-gelyada, la dagaalanka budhcad-badeeda, xoojinta xidhiidhka wadamada jaarka ah, iyada oo kulankanina uu daba socday kuwa ay hore u wada yeesheen labada dhinac, isla-markaana ay dawlada UK u soo dirtay xubnaha weftigan xog-ogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, maadaama uu marba marka ka sii dambaysa xididaysanayo xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee labada Dawladood.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay booqashada weftiga ay ku yimaadeen Somaliland, isaga oo dawlada UK-na ku ammaanay xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay Somaliland.”
kulankan waxa goob joog ka ahaa Wasiiradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire, iyo Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Md. Maxamed Rashiid Sh. Xasan.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com