Guddoomiyayaasha Tuulooyinka Bariga Degmada Sheekh oo xukuumadda ka dalbaday inay si deg deg ah u soo farogeliso isku dhac ka iman kara dhul-boob iyo xaalufin ka socota Buurta Wagareed iyo deeganno ku teedsan

Sheekh-(Berberanews)- Guddoomiyayaasha In ka badan toban tuulo oo hoos yimaada Degmada Sheekh, ayaa qaylo-dhaan ay u direen Maamulka Gobolka Saaxil, xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda beeraha, ka digay isku dhac ka iman kara dad weerar dhul-boob ah ku soo qaaday deegaannada bariga degmada Sheekh iyo goobo dalxiis oo ay fara-baas ku hayaan dad aan deegaanka u dhalan oo gobollo kale ka yimi.

Kulan ay maanta odayaashani ku qabteen degmada Sheekh oo ay goobjoog ka ahaayeen maamulka degmada iyo masuulliyiin ka tirsan wasaaradda Beeraha  waxay ugu baaqeen xukuumaddu in ay si deg deg ah wax uga qabato waxa ay ugu yeedheen isku dhac Deegaan oo ka soo fool leh deegaanada bari kaga beegan degmada Sheekh, sida Gugux, Gidhays, Raamaale, Garas,Tuulo dhibiijo, Ximan, Cagaaray  iyo kuwa kale, kuwaasoo ay sheegeen inay xaalufin ba’an ku, oodasho iyo gubis ku hayaan deegaankaas, gaar ahaan Buurta Wagar oo ah goob dalxiiska ku fiican.

 

Guddoomiyaha tuulada Gidhays, Aw Siciid Aw Maxamed Seed oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay inay deegaankaas soo weerareen kooxo lacago u qaybiyay dadkii deegaankaas oo sita waraaqo ogolaansho ah oo ay ka soo qaateen maamulka Gobolka Togdheer, waxaannu yidhi, “ Waxaanu maanta idinku nimi waxayagan oo haydh tuulo ahi arrin aanu idinkala maarmi waynay idinka, oo ku saabsan deegaanadii aanu masuulka ka ahayn waxaa ka bilaabmay dhawr arrimood oo is huwan.  Waa ta hore Buurtii waynad ee Wagar maanta way gubanaysaa oo inta la qaybsaday ayaa la shiday, waana goobtii dalxiis ee aynu lahayn  rag aanaanu garanayn oo waraaqo ay liisan ku sheegeen oo Burco laga soo siiyey sita ayaa gumaadaya meel ka banaanina ma jirto. Ta labaad  waxaa iyana ku dayday kuwaas dadkii deegaanka deganaa oo kaashanaya ninam baabuur lacag ku sita oo yidhi waanu idinka iibsanaynaa dhirta ku dhextaal meelahaa ay ooteen, wadooyinka iyo meelahii banaanaana waa la xidhay markii aanu nidhi ‘waar ka daayana’ waaba nalala dagaalami gaadhay waxaana ka taagan in laysku dhaco markii meel la marro la waayay.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Isu duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Saaxil Jamaal Jaamac Cali oo uga mahad celiyay Masuuliyiintan Tuulooyinka sida ay farrintan u soo gaadhsiiyeen,  una balan qaaday in ay si deg deg ah jawaab ugu soo celinayaan oo ay gaadhsiin doonaan Xukuumada, waxaannuu ku  booriyay in inta ay jawaab ka helayaan iyagu Guddi u sii saaraan xalinta masiibadan isla markaana la joojiyay liisankii ay wasaaradiisu bixin jirtay, waxaanu Xukuumadda ugu baaay in ay arrinkan si deg deg ah ugu soo gurmadaan waxka qabashadiisa.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gidhays, oo qiray dhibta haysata deegaanka isla markaana  hanbalyeeyay qorshe balaadhan oo  arrinka ay wax kaga qabanayaan  Wasaarada Beeraha iyo haayada UNDP.

Maayarka Degmada Sheekh Ibraahin Cabdillaahi Cabsiiye, oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa balaan qaaday in ay wixii karaankooda ah ay wax kala qaban doonaan marar horena ka  hortageen dhacdooyin la mid ah , laakin  ay tahay arrin cusub oo dhibteeda leh, soona cusboonaatay.

Kullankan oo ay goob joog ka ahaayeen Maayarka Degmada Sheekh Ibraahin C/laahi Cabsiiye, Ku xigeenkiisa Cabdi Cartan X.Abokor, isu duwaha Wasaaradda Beeraha Gobolka Saaxil Jamaal Jaamac Cali xoghayaha D/hoose ee Degmada C/kariin Yussuf Saleebaan iyo Masuulyin ka socday Waaxaha beeraha iyo Dalxiiska Degmada Seekh.

Khadar Jamaac Xaashi

Berberanews

Sheekh Somaliland