Hudheel Ganaax ku soo rogay Qofka Cuntada Uu Dalbado Dhamayn waayaa (Sheeko xiiso badan)

Damaam, (Berberanews.com/Reuters):-Hudheel ku yaala magaalada Damaam ee dalka Sucuudiga ayaa ku talaabsaday hab cusub oo macaamiisha wax ka iibsada lagu ganaaxayo. Sida mulkiilaha hudheelkan oo lagu magacaabo Fahad AlConsi uu warbaahinta u sheegay, macaamiisha hudheelka ayaa lacag ganaax ah lagu soo rogay haddii ay dhamayn waayaan cuntada ay dalbadeen.

Talaabadan ayuu Fahad ku sheegay inay sumcad iyo dhiiri galin badan ka heleen macaamiishooda. Isaga oo Mulkiilaha Hudheelka Almarmara ee magaalada Damaam uu fasiraad dheeraad ah ka bixinayo waxa ku kalifay ayuu sheegay in cuntada laga tagayaa aad u badatay, gaar ahaan dadka casuumaddaha samaysta oo cunto badan dalbada ka dibna iyadoo halkeedi buuxda ka taga.

 

Arrintan oo uu ku tilmaamay mid kibir iyo nacasnimo ku ah dadka Sucuudiga oo dalal badan oo jaarkooda iyo mandiqada kula yaalaa dadkoodu gaajo iyo macaluul u dhimanayaan. Mulkiilaha Hudheelkan ayaa sheegay in ka hor intaanay ganaaxa soo rogin ay bixiyeen wacyi galin badan, halku dhegyo lagu wacyi galinayo dadkana ugu dhejiyeen gidaarada, qoraalana ku siin jireen.

Ganaaxan laga qaadayo cida dhamaysan wayda cuntada ay dalbato ayaa ah mid kooban, waxaana loogu deeqayaa dadka abaaraha iyo macaluushu ku dhaceen ee bariga afrika. Dadka Sucuudiga ayaa sida uu sheegay Fahad AlConsi waxay dalbadaan cunto badan wakhtiyada casuumadaha iyo marti qaadyada ay samaynayaan, ka dibna waxa dhacda in dad badan oo marti qaadka ama casuumadda loogu tala galay ay ka baaqsadaan inay ka soo xaadiraan, ka dibna ay dhacdo in cunto aad u badan oo la fara fareeyay laga tago.

Haddaba akhriste miyaanay xaalado la mid ah tan oo kale ka jirin dalkeena. Oo aanay dhicin in cunto badan lagu khasaariyo meelaha casuumaddaha iyo ducooyinka oo cuntadaasna ugu danbaynta lagu daro qashinka. Waxa kale oo la xaqiijiyay dalkeena in waxyaabaha ugu badan ee Gudaafadaha lagu daro cuntadu u badan tahay, halka ay ka jiraan dad aad ugu baahan cuntadaas oo aan helinba quutal daruuriga maalintaas aadna ugu baahan inay helaan cunto, xaqna inoogu leh.

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Daralla066@gmail.com