Berbera-(Berberanews)- Maxamed Cabdi Cige, oo ah muwaadin laxaadkiisa ilaahay ka qaaday, kuna sugan magaalada London ee Cariga Ingiriiska, ayaa deeq soo gaadhsiiyay ciidanka nabadgelyada wadooyinka Berbera.
Deeqdan oo ka kooban noocyada kala duwan ee jaakeedyadyada habeenkii dhalaalka bixiya, marka laydhka gaadiidku qabto, ayuu , Muwaadinkani wareejinteed u soo wakiishay Maxamed Axmed Baashe (Talaata coddle) oo xilal kala duwan soo qabtay.
Munaasibadda wareejinta deeqdaas oo ay ka soo qaybgalay Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cali Maxamed Cilmi, Taliyaha Qeybta booliska berbera Cabdiraxmaan Ibraahin Maxamuud iyo Taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka berbera Cabdilaahi Faarax Jaamac(Ina soofadhiiste), waxa uu muwaadinka deeqda soo diray kagala qaybgalay khadka isgaadhsiinta telefoonka, isaga oo sheegay in aanu ku joojin doonin deeqda uu soo diray, wax badan oo kalena ay u qorsheysan yihiin dhawaana inuu u soo diro gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Xoghayaha dawlada hoose ee Berbera Cali Maxamed Cilmi, ayaa muwaadinka deeqda soo gaadhsiiyay ciidanka nabadgelyada Ilaahay uga baryay inuu miisaanka xasanaadka ugu daro, “Maxamed Cabdi Cige(M.curyaan), waxa uu tusaale u yahay in qofkastoo nooli waxtari karo dalkiisa iyo beledkiisaba, haduu curyaan yahay iyo hadii laxaadkiisu u dhanyahayba.
Waxaan horta Maxamed Curyaan ilaahay uga rajaynayaa in uu miisaanka xasanaadka ugu daro deeqdan uu inoo soo diray ee uu Baashe u soo wakiishay wareejinteeda. Waxaanan leeyahay waa shaqsi aad ay fekradiisu u sareyso oo indheer garada meel fogna wax ka dareemi kara, sababtoo ah waxaan ka qiimeynayaa sida ay maskaxdiisu u keentay jaakeedadan ay ku shaqeeyaan ciidamada taraafikadu.” Ayuu yidhi Xoghaye Cali, waxaannu intaa ku daray oo yidhi, “Taraafikadu waxay hayaan shaqo aad u muhiima oo adag, waxaana mihiima in ay ku labistaan astaanta ugaarka ah ee lagaga garan karo ciidamada kale. jaakedadan marka uu laydhku qabto ifaaya ee tabeelaha aad moodayso.”
Taliyaha qeybta booliska berbera oo deeqdaas guddoomay, kuna sii wareejiyay Taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka ee taraafikada Cabdilaahi Farah Jamac, ayuu Taliyuhu aad ugu mahad naqay muwaadinka curyaanka ah ,
Taliyuhu waxa uu muwaadinkaa ku tilmamay shaqsi ka karti iyo maskaxba badan kuwa lixdooda laxaadba qaba, isagoo farriin u diray muwaadiniinta laxaadka qaba ee iyagu qurbaha ku sugan oo ugu baaqay in ay wadankooda iyo ciidamadooduba wixii ay karayaan ugu soo deeqaan .
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com