Sheekh-(Berberanews)- Shirkada isgaadhsiinta Telesom ee degmada Sheekh, ayaa xaflad si u samaysay Ardaydii reer Sheekh ee dhamaysatay imtixaankii Shahaaadiga Somaliland 2010-2011 ee Dalka oo tiradoodu dhammayd 129, kuwaasoo ka baxay dugsiga sare iyo dhexe.
Munaasibada oo ay ka soo qaybgaleen Maayarka degmada Ibraahin Cabdillaahi Cabsiiye, Maayar-ku-xigeenka Cabdi Cartan, maamulka shirkadda isgaadhsiinta Telesom, ardayda dhammaysatay dugsiyada iyo waalidiintooda, ayay ardayda reer Sheekh kaalmaha saddexaad iyo tobnaad ka galeen tobanka arday ee ugu sarreeyay dalka dugsiyada dhexe.
Maayarka degmada Sheekh Ibraahin Cabdilaahi Cabsiiye oo hadal ka jeediyay, ayaa ka sheekeeyay taariikhda Sheekh hormoodka ugu sido waxbarashada Somaliland, islamarkaana aad ugu faraxsanyahay ardayda wakhtigan oo ka nasiibn wanaagsan kuwii hore, taasoo ay u suurtagelisay tiknoolajiyada caalamka ka hirgashay .
Maayarku waxa uu mahadnaq u diray macalimiinta iyo waalidiinta , isagoo sheegay iney barbaarintoodu gaadhsiisay talaabadan horumarka ah . waxaa kale oo uu mahadnaq u direy Hay’adda caalamiga ee PYM oo fadhigeedu yahay Degmada Sheekh, taaso tababaro dhinaca waxbarashada siisa macalimiinta Gobolka Saaxil.
Gebogebadii hadalkiisa waxa uu Maayarku si gaara ugu mahadceliyay shirkadda Telesom, isagoo sheegay in talaabadan ay qaadey tahay mid aan hore looga baran,balse u muuqata mid hada bulshada iyo degaankaba u bilaabantey dibna looga sugayo.
Guddoomiyaha waxbarashada degmada Sheikh Maxamed Ibraahin Xaaji Cabdilaahi, ayaa isaguna sheegay in guusha iyo sumcada ardayda qalin jebisay ay u soo hooyeen guud haanba degmada sheikh.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in inanta kaalinta koowaad u gashay fasalada sideedaad ee dalku ka qalin jebiyey Dugsiga Oday ee Degmada Sheekh.
Maamulaha Shirkada Telesom ee Degmada Sheekh Sheekh Xuseen Maxamed Caynaansh e(Xusen Harbash) ahna Sheekhal beledka magaalada oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka xog waramey shirkada, isagoo sheegay in ay tahay mid umaddu leedahay oo ay Saamiyo ku leeyihiin dad tiradoodu gaadheyso 2000 kana mid yihiin agoomo, door wax ku oola ahna kaga jirto horumarinta dalka isagoo xusay dhinaca waxbarashada oo uu sheegay iney 10 Arday oo ku jira Dugsiga sare ee SOS ay ka bixiyaan Fiiga.
Qaar ka mid ah ardayda, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay Maayarka, Maayar-kuxigeenka, Maamulayaasha dusgiyada ay ka soo baxeen, Guddoomiyaha waxbarashada iyo macalimiin.
Khadar Jaamac Xaashi
Berberanews, Degmada Sheekh