Socdaalkii Sarkozey Iyo Cameron ee Tripoli Iyo Arrimihii Xasaasiga ahaa ee ay ka wada Hadleen Hogaanka Ku-meel Gaadhka Libya

Tripoli, (Berberanews.com/W/Wararka):-Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo Raysal wasaaraha Britain David Cameron ayaa si wada jir ah u cadeeyay, in Colonel Qadaafi oo xor ah aanay Libya noqon karin meel dagan oo horumar ku talaabsata, waxaanay qireen in lagama maarmaan ay tahay in Qadaafi gacanta lagu dhigo.

Hadalka labadan hogaamiye ay wada jirka u bixiyeen ayaa qayb ka ahaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya oo ay ku tageen maanta Khamiistii socdaalkii ugu horeeyay ee hogaamiyayaal reer galbeed ahii ku booqdaan dalkaas, tan  iyo intii ka danbaysay markii hogaanka laga tuuray Mucaamar al Qadaafi.

 

Shir jaraa’id oo wada jir ay u qabteen Hogaamiyaha ku-meel gaadhka ah ee Libya Mustafe Cabdi Jaliil, David Cameron Raysal Wasaaraha Britain iyo madaxweynaha Faransiiska oo ka dhacay magaalada Tripoli ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay iskaashi dhinaca milatariga iyo dib u dhiska ah oo ay yeelan doonaan sadexda dal, waxa kale oo halkaa si wayn loogu mahad celiyay dalalka Britain iyo France oo qayb wayn ka qaatay ololihii lagu riday Colonel Qadaafi.

Labada hogaamiye ee France iyo Britain oo soo dhawayn aad u diiran iyo mahad naq balaadhan kala kulmay magaalada Tripoli, ayaa haddana laga dareemi karayay karka iyo cabsida xoogan ee uu ku hayo hogaamiyihii hore ee dalkaas Colonel Qadaafi oo baxsasho ugu dhuumanaya gudaha dalka Libya waxaanay hadal haynta Qadaafi ka ahayd socdaalkaas iyo soo dhawaynta waxa ugu badan ee laga wada hadlayay sir iyo caadna loo sheegayay.

Faysal Maxamed Xasan

Reporter of Berberanews.com

Daralla066@gmail.com