Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda oo Farta ku Fiiqay Gal-daloolooyinka ka Muuqda Ololaha Qaddiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland

Hargeysa (Berberanews)-Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa markii u xorreysay farta ku fiiqay gal-daloolooyinka ka muuqda ololaha loogu jiro aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo u soo jeediyey guud ahaan shacab iyodawladba in kor loo qaado dagaalka lagu raadinayo ictiraaf Somaliland ka hesho beesha caalamka.
 
Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo siiyey xog-warran la xidhiidha qorshayaasha la xidhiidha aqoonsi raadinta iyo natiijada ka soo baxday shir caalami ah oo uu 4 September 2011 kaga qaybgalay dalka Talyaaniga xafiiskiisa ku siiyey shalay Jamhuuriya, waxa uu sheegay in shirkaas ooujeeddadiisu ku qotontay saamaynta madaxbannaanida Koonfurta Suudaan ku eelan karto qaaradda Afrika uu ahaa fursad fiican oo wax weyn ka tari karta hayaanka loogu jiro aqoonsi-raadiska Somaliland.

Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda oo la waydiiyey muddada aqoonsiga Somaliland qaadan karo iyo waxyaabaha ka dhiman, waxa uu ku jawaabay; “Anigu sidaan khudbadaydii ku sheegay waxaan idhi shacabka Somaliland waxay ku fikirayaan inay noqdaan dalka ku xiga Koonfurta Suudaan.
Qorshaha aynu dhiganay waa inuu noqdo mid ku salaysan sii aynu u noqon lahayn dalka 55aad ee Afrika oo ku xigno Koonfurta Suudaan, waxaanay taasi ku xidhan tahay kolba dedaalka aynu samayno, sababta oo ah waxa jira dad badan oo aan maqal qaddiyadda Somaliland oo marka loo sharraxo layaab ku noqonayso, kuna odhanaya xaggee baad joogteen ood ku maqnaydeen, isla markaana odhanaya waa inaad warbaahinta caalamiga ah iyo shirarka la idinka arko, waxaanay odhanayaan dedaalkii aqoon-raadiskiina ku filnaa la maydaan iman, markaa waa inaynu isweydiino dawlad, muxaafid, mucaarid, aqoonyahan, indheer-garad, ururro bulsho; iyo gudo iyo dibadba hawshaynu ku jirno sidaynu uga midho-dhalin lahayn, Koonfurta Suudana waxa hawsheeda laga shaqaynaayey labaatan sannadood in ka badan.
 
Meelaha aqoonsi-raadiskeennu ka liito ama aynu ka liidano waxa ka mid ah, ma li’in waxaynu dedaalkeena aqoon-raadinta ku muujino, hadday tahay tii maaliyadda, maskaxda iyo xidhiidhka, ka qaybgalka shirarka iyo saxaafadda inaynu aad ula shaqayno, iyagana inkasta oo ay saxaafaddeenu dedaasho waa in dedaalkooda wax lagu kordhiyo, dhammaan waxaas oo dhan ayaa maqan,” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland.
 
Geesta kale, Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan waxa uu markii horreysay faahfaahin ka bixiyey natiijada ka soo baxday shir uu dhowaan kaga qaybgalay dalka Talyaaniga oo lagaga hadlayey saamaynta goonni-isu-taagga Koonfurta Suudaan ku yeelan karto guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan waddamada aan la aqoonsan ee Somaliland ka mid tahay,
 
Haddaba,  wasiirrudawlaha oo Jamhuuriya waydiisay inuu faahfaahin ka bixiyo natiijada ka soo baxday shirkaasi waxa uu ku jawaabay; “Natiijada shirkaas ka soo baxday markii araa’dii kala duwanayd la iswaydaarsaday ee la eegay, waxay noqotay Koonfurta Suudaan dawlad, horena waxay uga mid ahayd Suudaanta weyn, siyaabaha ay dawladnimada ku heshayna waxay ahaayeen culays badan oo kaga yimi dawladda Suudaan inay taladaa yeelaan oo in badan la waday, markii dambena la waafajiyey in taageero looga helay waddamada Afrika.
 
Innaga waxa si xiiso leh uga soo baxay shirkaas warbixintii Somaliland laga qoray 2005kii oo ninkii xilligaas guddoomiye-ku-xigeenka ka ahaa Midowga Afrika Afrika wuu yara xannuunsaday, laakiin shirka wuu ku qornaa. Waxa joogay nin qareen ah oo ka mid ah Midowga Afrika oo khabiir ku ah dhinaca sharciyada, intuba waxay aad uga hadleen in wax alla wax horjoogsan karaya aanay jirin Somaliland aqoonsigeeda, marka la eego xagga sharciga. Inta tallaabooyin dimuqraadiyadda ah ee ay ku tallaabsatay iyo rabitaanka shacabka reer Somaliland oo dhawaan u dabbaaldegeen qaranimadooda, taas oo aan caalamka ka qarsoonayn.
 
Markii dadkaas khubarada ah sidaas ku hadleen waxa la yidhi waa in wixii Somaliland lala qaban karo lala qabto. Hhaddii qaddiyadda dedaalkeedu cad yahay dad buu Ilaahay u diraa oo yidhaa arrintani waa mid sax ah. Aniga shakhsiyan waxa iiga soo baxay in innaga Somaliland ahaan dedaal la inooga baahan yahay, gaar ahaan dhinaca Afrika in aynu ka daba tegno warbixintaas la innaga qoray 2005.
 
Ninka qareenka ka ah Midowga Afrika si gaar ahbaan uga codsaday oo waxaan idhi waxa waajib ku ah AU-da inay warbixintay iyagu qoreen ee ay ilaaliyeen hoosta dhigteen, waxaana weeyaan waddamada ku jira AU-da inaan waddan waddan ugu ololayno aqoonsi-raadinta Somaliland.
 
Ugu dambayn, waxa loo baahan yahay in ictiraafkeenna aynu gelino aqoon, maaliyad, dadkeenna qurbaha joogana waa inay dedaalkooda labanlaaban,” ayuu yidhi Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan.
 
Source Jamhuuriya