Waxaan ku baraarujinayaa dadka muslimiinta ah,in ay ula dagdagaan walaalhooda somaliyeed wax walba oo ay awoodaan…”Hoggaamiyaha Uruka Al-qaacida

Hargeysa-(Berberanews)- Hoggaamiyaha ururka Alqacidda Dr Ayman Al-zawahuiriayaa ugu baaqay dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan in gurmad deg deg ah la gaadhaan dadka ku sugan Somaliya ee abaaruhu saameeyeen.

Dr. Ayman waxa uu sidaa ku sheegay mar uu ka hadlayay weerardii 11 september kooxdiisu ku burburisay daarihii ganacsiga adduunka ee New York oo kumannaan qof ku naf waayeen.

Hoggaamiyaha cusub ee Al-qaacida oo xilka ka dhaxlay Hoggaamiyihii reer galbeedku faraha kaga gubteen helitaankiisa Cusaama bin ladin, waxaannu Dr. Ayman sheegay inay dalka Somalia ka jiraan abaaro baahsan oo aan indhaha laga qarsan Karin, waxaannu ku booriyay dadka muslimiintu inay u gurmadaan.
“Waxaan jeclahay inta aan hadalkeyga u guda galin in aan ku baraarujiyo dadka ahlu kheyrka muslimiinta ah,in ay ula dagdagaan walaalhooda muslimiinta ah ee somaliyeed wax walba oo ay awoodaan,waxaan ugu baaqeynaa dadka ahlu keyrka ah in aysan fiirsan walaalhooda gaajada iyo macluusha u dhamaanaya”ayuu yifhi hogaamiyaha Alqacida Dr ayman.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com