Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo U Digay Cuqaasha Beesha Ciise Muuse Inaanay Saaxil Ku Qaban Karin Shirka Beesha

Hargeysa (Berberanews)– Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa maanta isagoo warbaahinta ugu waramayey Magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera wuxuu digniin u diray Odayaasha iyo Cuqaasha Beesha Ciise Muuse ee Habar Awal isagoo digniintaasi ku sheegay inay mudan doonaan ciqaab haddii ayuu yidhi ay isku dayaan inay ku qabtaan gobolka Shir aan loo dhamayn.


Wuxuu Sheegay in Beesha Ciise Muuse aanay keligeed degenayn gobolka isla markaana shir ay beeshu kelideed ku qabato gobolka Saaxil ay horseedi karto khilaaf iyo carqalad horleh oo gobolka Saaxil iyo guud ahaanba Somaliland soo food-saarta, Mr. Ramaax wuxuu sheegay inuu tallaabo sharci ah maamulkiisu ka qaadi doono ciddii ayuu yidhi isku dayday inay shirar noocaasi ah ku qabato gobolka Saaxil.

Hadalka Badhasaabka gobolka Saaxiil Ramaax ayaa ku soo beegmaya maalmo uun iyadoo ay ka hadhsanyahin shir Beesha Ciise Muuse ee Habar Awal ay doonayaan inay iskugu yimaadaan gobolka Saaxil gudahiisa.

SC: halbeeg

Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo U Digay Cuqaasha Beesha Ciise Muuse Inaanay Saaxil Ku Qaban Karin Shirka Beesha