Hargeysa-(Berberanews)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa sheegay in Somaliland noqotay dalka keliya ee Africa goo-jooga loogu casuumay Doorashadii Golaha Deegaanka dalka Norwey.
Guddoomiye Cirro iyo wefti uu hoggaaminayaa muddo laba toddobaad ah socdaal ugu maqnaayeen dalka Norway, oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka diyaaraha Hargeysa waxa uu ka waramay socdaalkooda oo uu sheegay inuu lahaa dhawr ujeedo, isla markaana waxa uu jawaab ka bixiyey eedayn Shirguddoonka uu dhawaan u soo jeediyey Afhayeenka UDUB Cali Guray.
“Safarkaasi aanu ku tagnay wadanka Norway waxa uu ahaa mid uu martiqaad rasmiya ay Golaha Wakiiilada iyo Komishanka Doorashooyinku ka heleen wadanka Norway, kaas oo ka dhashay safar uu hore Wadanka ugu yimid Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha dibada ee Norway, safarkaasi waxa uu lahaa saddex ujeedo oo kala ahaa in aanu ka qaybgalno shirar (siminaaro) caalamiya oo halkaasi ka dhacay iyo ta labaad oo ahayd in aannu kulan la yeelano masuulyiinta waddankaasi annaga oo la kulanay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada, Baarlamaanka iyo xarrunta xuquuqada aadamaha, arrinta saddexaad waxanay ahay in aanu goob-joog ka noqono doorashooyinkii ka dhacay wadankaasi (dawlaha hoose),” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka waramayey ujeedada safarkooda.
Waxa kale oo Md. Cirro ka jawaabay hadalka Afhayeenka UDUB oo uu ku sheegay inay qorshaynayaan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen shirguddoonka wakiillada, waxaannu yidhi, “Shirguddoonka mar horena waa la isku dayey in la rido, markaa cidii ridi karaysaa hayska soo diryaar garowdo, ta labaad anigu Cali Guray waxaan ku ogaa afhayeenka UDUB, markaa arrinta UCID inuu soo dhexgalo in aanay habboonayn ayey ila tahay.”
Guddoomiyaha golaha wakiilada oo ugu horeyn ka hadlaya ujeedada safarkoodii Norway waxa uu yidhi “Waxa aan ku faraxsanahay inaan dalkaygii ku soo laabto, sidaad ka war-qabteena waxaanu marti-qaad ka helay dalka Norway oo aanu ka helay martiqaad rasmi ah, anaga oo ahayn golaha baarlamaanka iyo Komishanka doorashooyinka qaranka, kaas oo ka dhashay safar uu dalka Somaliland hore ugu yimid wasiir ku xigeenka wasaradda arimaha dibada dalka Norway.
safarkaasi waxa uu lahaa saddex nuxur; mid waxa uu ahaa inaanu ka qayb-galo siminaaro iyo shirar caalami ah oo lagu qabanayey wadankaasi; ka labaadna waxa uu ahaa inaanu la kulano masuuliyiin ka tirsan dawkada Norway, waxaanuna la kulanay wasiir ku xigeenka wasaradda arimaha dibada dalka Norway, waaxda Afrika ee wasaaradda arimaha dibada, baarlamaanka iyo laanta xuquulka aadamaha eek u taala dalka Norway iyo inaanu ka qayb-gallo doorashadii golayaasha deegaanka ee ka qabsoomay dalka Norway, waxaynuna ahayn wadanka kaliya ee Afrika laga casuumay.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com