Hoggaamiyihii Kooxda tira-koobka Ciidammada Somaliland oo is-casilay, Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-ka-saarkana ku eedeeyey inuu wado sidii dawladdu u fashilmi lahayd

Hargeysa(Berberanews)- Maxamed Jaamac Baaruud oo ahaa hoggaamiyaha Kooxda tiro-koobka Ciidammada qalabka sida ee Somaliland u qaabbilsanaa Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka NDRC, ayaa shaaca ka qaaday inuu jagadaa uu Hay’adda ka hayey iska casilay, ka dib markii uu arkay sida uu sheegay in Guddoomiyaha Hay’addaasi Jamaal Caydiid Ibraahin wado qorshe kale oo aan ahayn kii lagu sugayey tirada Ciidammada Somaliland guud ahaan.

Maxamed Jaamac Baaruud oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Kaah ee magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha Hay’adda NDRC Jamaal Caydiid Ibraahin fasax aanu codsan u qoray isaga oo wada dhammaystirka shaqada laga sugayey oo qorsheheedu ahaa inuu natiijada tiro-koobkaas Ciidammada soo bandhigo 18-ka bishan September oo ku beegan maanta, isla markaana fasaxa aanu dalban Guddoomiyuhu ku beegay mid ka bilaabmayay 3-dii bishan kuna dhammaanaya maalinta hawsha shaacinteeda laga sugayey ee 18 September, 2011 (maanta).

“Haddaynu soo qaadanno Maareeyaha Hay’adda NDRC Jamaal Caydiid Ibraahin, waxa  uu qandarskii ugu horreeyay ka qaatay Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo loogu magac-daray tira-koobka Ciidanka, waxa la bilaabay 30/05/2011, lagana bilaabay gobalk Gebiley, kaasi oo lugu soo dhammeyay Galbeedka dalka oo dhan. Waxa  ku xigtay magaalada Hargeysa oo laga bilaabay Ciidanka Asluubta, waxa lugu xigsiiyay Ciidanka Millateriga intii joogtay Hargeysa. Intaa markaannu samaynay ee  aannaan gaadhin wali Booliska Hargeysa ayaa waxaannu uu amba-baxnay, 03/07/2011 Ciidammada ku sugan Jiidda hore ee Bariga Somaliland, waxaannu tirinta ka bilawnay Bari  iyo jida hore. Waxaannu soo dhammaysannay 29/07/2011.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Jaamac Baaruud.
Maxamed oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxa jirta oo aan ka madhnayn Siyaasadda Qaran  ee qarsoon taas oo la macna ah in ay ku  fashiliyaan  Xukuumadda jirta marka ay  noqoto dhinaca tiro-koobkaas oo marka aannu joogno jiidda hore ee naloo soo safay Ciidan faran jooga uma baahna in laa yidhaahdo maa Ciidan baad tahay iyo in looga  shakiyo  caagle oo la yidhaahdo ku dhaaro inaad Askari tahay, waayo? Waxaynu ognahay ninka jiidda hore jooga ee qorigiisii sitaa uu yahay ka aynu ku fadhino halkan.” 
“Waxa la sameeyay Guddi tiro-koob, waxa la amray dhammaan Ciidammada oo dhan waxa la fuliyey   amarkii kaasoo yeedhay Madaxweynaha. Haddaba, maaddaama oo la kordhiyay 100% musharkii ay qaadan jireen oo noqonaysa  Rikoodh cusub oo uu dhiigay  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah Mujaahid halyey ah, isaga oo ka dhabaynayey ballan-qaadkii ololihii doorashada.” ayuu yidhi hoggaamiyihii kooxda tirinta Ciidammada ee Hay’adda Abaabul-ka-saarka Qaranka Somaliland Maxamed Jaamac Baaruud.
Waxa uu Maxamed Jaamac, ku eedeeyey Guddoomiyaha Hay’addaas Jamaal Caydiid Ibraahin inuu ku kacay tallaabooyin qayrul-sharci ah sida arrimo musuq-maasuq, joojinta shaqada tirinta Ciidammada iyo qodobbo kale oo uu xusay inuu uga dan lahaa kicin Ciidan. Maxamed Jaamac Baaruud oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxa isla markaa loo sii-daayay lacagtii mashuuca loogu talagalay, taasoo ay Wasaaradda Maaliyaddu u shubtay, waxaanu Jamaal si badheedh ah ugu shubtay Lacagtaa Sanduuq-xisaabeed Account-kiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Dahabshiil, waxa aynu ognahay in lacagta mashruuca lugu qabanayaa ay tahay  Hantii Qaran oo uu Xafiisku leeyahay Sanduuq-xisaabeed (Account) oo lugu shubo lacagta marka la rabo  sharci dawladeed in lagu shaqeeyo.”
“Waxa laa bilaabay mashruucaas oo ay ka shaqaynayeen shaqaale  ka socda saddexda Ciidan Qaran  iyo Wasaaradaha Maaliyadda, Arriimaha gudaha, Gaashaandhigga  iyo kooxda NDRC. Jamaal Caydiid waxa loo oggolaaday inuu Gaadhi yar oo Bas ah u soo iibiyo Xafiiska, hase ahaatee Gaadhigiisii uu gaarka u lahaa oo Laangaruusal ah ayuu Xafiiska ka iibiyey oo uu lambar GT ah ku xidhay, taasina sharci maaha, waxaanan soo jeedinayaa inay Hay’adaha arrimahaa ku shaqada lihi baadhitaan ku sameeyaan oo ay soo xaqiijiyaan arrimahan aan ka hadlay.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Maxamed Jaamac Baaruud.
Maxamed mar uu ka hadlayey Ciidammo kuwa Qaranka Somaliland ka tirsan oo aan tiro-koobka la gaadhsiinnin waxa uu yidh; “Markii ugu horreysay ee ay xeeladda qarsoon uu laa soo baxay Jamaal Caydiid waxay ahayd markii ay ka yimaddeen Ciidankii Bariga ee Millateriga ahaa ee Qaramaysnaa, Ciidankaas laga yimi oo kala ahaa Guutooyinka 93aad, 91aad, 22aad  oo si badheedh ah looga yimi si ay  u gadoodaan amba ay ugu galaan Puntland siyaasadda  dawladdana ay weji-gabax uga dhigaan. Waxaanu Jamaal ka imashada tirinta Ciidankaa ugu marmarsooday inaan la tagi karin  goobahaas oo kala ah Biyo-guduud iyo Shimbiraale, oo uu yidhi nabad-gelyada awgeed wakhtigan lama tagi karo, hadda waa Saldhigyo Ciidammada Qaranku deggan yihiin oo Ciidammo Cusub lagu tabobbaro.”
Maxamed Jaamac Baaruud oo ka hadlayey sababta uu shaqada Hay’addaas isaga casilay, waxa uu yidhi; “Markaa, markaan arrimahaas arkay ee markii hawsha inteedii kale dhammaatay qabyadaasina jirto, uu Jamaal ii soo qoray warqad uu leeyahay waxaan ku siiyey fasax aanad codsan oo dhan muddo shan iyo toban maalmood ah oo ka bilaabanta 03-da bishan 9-aad 2011 kuna dhammaanaysa 18-ka bishan ee Axadda Berri (maanta) oo uu qorshuhu ahaa in 18-ka natiijada aannu hayno gudbinno, haddaba markaan arrimaha socda u fiirsaday, isla markaana aan dareemay inuu Jamaal Caydiid qorshaynayo kicin ciidan maanta laga bilaabo waxaan iska casilay xilkii aan Hay’adda Abaabul-ka-saarka ka hayey ee hoggaaminta kooxda tirinta Ciidammada aniga oo ah Maxamed Jaamac Baaruud.”
Hadalkaa uu shirkiisa jaraa’id ka jeediyey Maxamed Jaamac Baaruud markii uu dhammeeyey waxa la weydiiyey su’aalo ay ka mid ahaayeen:
S: Waxaad sheegtay in tira-koobkii Ciidammada Somaliland ee aad waddeen markaad dhamaystirkooda ku dhawaydeen la yidhi badh ka mida hallag tago oo halla yidhaahdo waa caagleyaal waxaanad tahay tiim liidarkii hawshaa waday, markaa adiga yaa ku amray in sidaa la sameeyo?
J.Anigu taa amarba uma haysto fasax baana la isiiyay aanan dalban wakhtigii lasoo saari lahaa liiska tira-koobka saddexda Ciidan mana aha xilligaan fasax gali lahaaba oo waxaa 18 ka bishan oo Berri (maanta) ku beegan la soo saarayaa tira-koobka guud ee Ciidammada, anna waxaan ahay masuulkii shaqadaa uga masuulka ahaa Guddiga abaabul-ka-saarka Qaranka fasaxan la isiiyay ee aanan dalban een halkan ku hayo warqaddii la igu siiyayna waxay cadaynaysaa inay meesha ku jirto hawl aannaan ogeyn oo lagu doonayo in lagu majara-habaabiyo tira-koobkaa natiijadiisa.
S: Fasaxan maka wada hadasheen, Guddoomiyaha, maxaadse iska tidhaahdeen arrintan aad saluugtay?
J.Haa waannu ka wadahadallay oo waxaan weydiiyay sababta uu fasax aanan dalban iisiiyay xilli ay shaqadaydii taagan tahay waxaannu iigu jawaabay anaa goostay inaan fasax ku siiyo ood soo nasato waxaana waraaqda ku cad inuu isiiyay fasx aanan dalban. Xattaa iska daa wax kalee Jamaal Buuggii gacanta ee aan dhalliilaha jira ku qorayey inta uu Gaadhigiisu dhacay ayaan Gaadhigayga siiyey uu ka dhex helay oo wuu qaatay, markaan ku idhi buugga isiina wuxu yidhi Sirma-qabe Allaa u sahanee sirahaygii oo dhan ayaa halkan ku qoran C.I.D-daanan geynayaa.
 
 
 
Berbernews.com
Hargeysa/Somaliland.