Hargeysa-(Berberanewsl)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in xaaladda magaalada Ceerigaabo ay wakhtigan aad u wanaagsantay, isla markaana xiisad ka dhalatay dilka Taliyihii Saldhigga Daallo ee Ceerigaabo ay arintiisa gacanta ku hayaan Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka reer Sanaag.
Wasiir Cadami, waxa kale oo uu ka hadlay Masuuliyiintii reer Somaliland ee Puntland Ramadaantii ka afduubtay deegaanka Taleex oo uu sheegay inay iyaguna reer Taleex yihihiin kuwa afduubayna reer Taleex yihiin. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in marka Ceerigaabo ay wax ka dhacaan arrintaa xallinteeda ay galaan hadba labada beelood ee wax kala gaadheen mooyee labada kale, taasina ay tahay dhaqan wanaagsan oo ay leeyihiin dadka reer Sanaag. Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Waraysi Gaar ah uu siiyay Wariye ka tirsan Wargeyska ogaal. Waraysigaas oo dhammaystiranina wuxuu u dhacay sidan:
S: Wasiir, waxaad ka warrantaa xaaladda Ceerigaabo oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagnayd xiisad colaadeed, ka dib dilka Taliyihii Saldhigga Daalo ee magaaladaas, arrintaasi halkay hadda maraysaa?
J. Arrintaasi marxalado badan bay soo martay immikaanay ugu wanaagsan tahay oo xaaladda hadda dhulkaa la dhigay waxaana gacanta ku haya Odayaasha Dhaqanka ee Ceerigaabo, magaaladana waxaa wada deggen afar beelood oo waawayn, markaa marka laba beelood wax kala galaan waxa arrinta ka gurmada labada beelood ee kale immikana waxa gacanta hawshaa ku haya madax-dhaqameedka labadii beelood ee kale inkastoo aan la hayn oo uu baxsaday gacan ku dhiiglihii haddana arrintu meel wacan bay Immika maraysaa. Waxa isu yimi Odayaashoodii oo aan Ceerigaabo degganayn oo meelo kala duwan ka yimi oo waliba ah Raggii arrintu ka go’aysay waxaanay kaashadeen Odayaasha kale ee kasoo jeeda beelaha aan iyagu ahayn labada beelood ee dhibtu kala gaadhay.
Markaa, Odayaashaa oo ay ka go antahay inay dhibaatadaa soo afjaraan ayaa hadda ku sugan Ceerigaabo waxaanay maantadan (shalay) wada fadhiyaan Guddi Odayaal ah oo ka kooban dhammaan reer Ceerigaabo. Markaa, halkaana immika in khayr kasoo baxo ayaa la rejeynayaa, markaa irrinta dilku waa wax fool-xun oo dhibaato abuuraysa. Laakiin, marba ta taagan ayay tahay in laga hawl-galo arrintaasina way soo gebagaboobaysaa mar hadday joogaan Odayaashii jufada u ahaa gacan-ku-dhiiglaha oo u diyaara inay dhibaatada xalkeeda u dhaqaaqaan.
S. Wasiir idinku Xukumaad ahaan maxaad gacan ku leedihiin shirkan aad sheegtay inay wada leeyihiin Odayaashii gacan-ku-dhiigluhu ka dhashay iyo dhinicii kale, rejo intee leeg baase laga qabaa inay sansaantaa colaadeed soo afjarto?
J. Gacan wayn baannu ku leenahay, waannu baarigaynaa gacanna waannu ku siinaynaa in arrintu wanaag kusoo dhamaynto, dhawaanna waxa kasoo noqday Weftigii tagay, markaa waxaan kuu sheegayaa in arrintaasi maanta ugu wanaagsantay oo ay gacanta ku hayaan odayaashii labada beelood ee kale, maamulka gobolka iyo ka degmaduba way ku gacansiinayaan xallinta arrintaas.
S. Axmed, Waxaad ka mid tahay Wasiirrada Xukuumadda ku jira ee deegaanka Sanaag kasoo jeeda, markaa arrintaa miyaanay ahayn inaad ka hawl-gasho adigu Wasiir ahaan?
J. Qofku meesha uu ka u dhashay uun looma diro ee marba hawsha Qaranka halka kaga soo hagaagta ayuu ka qabtaa immikaba Boorame ayaan ka imi oo aan hawl u tagay xagga Ceerigaabana rag masuuliyiin ah ayaa tagay oo xattaa qaarkood gobolka u dhasheen ILLAAHAY-na waxaan ka baryayaa inaanay aniga isugine ay degdeg u soo dhammaato aniga qudhayduna dhawaan waan tagayaa gobolka.
S. Waxa la sheegay in beesha dilka geysatay ay meel magaalada ka baxsan ku uruursadeen ciidan beeleed hubaysan, ta dilka loo geystayna ay ka diyaar-garawday, arrintaasi maamulka miyaanay saamayn ku keenayn?
J. Horta in Ciidan-beeleed meel lagu uruuriyaa waa saansaanta hurin colaadeed, markaa arrintaasi ma jirto manay dhicin in ay beeshaasi wax Ciidan-beeleed ah urursatay xaaladduna waxay maraysaa meel wacan. Ta kale dalku Ciidan iyo dawlad ayuu leeyahay wax aan Ciidammada dawladda ahayn oo meel degganina ma jiraan.
S. Wasiir, waxaa jirtay intii Xukuumaddiinnu jirtay inay dalka ka dhacday markii ugu horraysay in afduub lagula kaco Masuuliyiin ka tirsan Laamaha dawladda illaa immikana ma jirto wax tallaabo ah oo ay arrintaas Xukuumaddu ka qaadday, gaar ahaan Wasaaraddaada Gaashaandhiggu, maxaa sababay gaabiska intaa le’eg iyada oo Masuuliyiintaas ay xattaa Puntland xukunno ku ridday?
J: Horta dadka la afduubayna waxay ahaayeen reer Taleex kuwa afduubayna waxay ahaayeen reer Taleex waana dagaal hoose oo iska dhaca waxaana qaladkaa sameeyay oo dhibaatadaa wixii ka yimaadda masuuliyaddeeda iska leh reer Puntland oo qafaashay dad guryahoodii ku socda oo aan hubaysnayn si caadiyana u tagaya deegaankoodii oo xaasaskoodii gaadhayay ama ehelkoodii kale ku socday, arrintaana Xukuumaddu kamay gaabin hawsheedana waa lagu jiraa waana talo Qaranka u taalla tallaabada laga qaadanayaa.
Xigasho: Wargeyska Ogaal.