Baahin Qandaraas: Mashruuca Biyaha Degmada Sheekh

Golaha Deegaanka Degmada Sheekh wuxuu ka helay maalgelin Qaramada Midoobay mashruuceeda dawladaha hoose ee addeega iyo Maamul-daadejinta (UN-GPL), waxaanay doonaysaa in qayb ka mid ah maalgelintaas loo isticmaalo mashaariic horumarineed. Sidaa daraadeed, Golaha Deegaanka Degmada Sheekh waxay naadinayaan shirkado qandaraaslayaal ah oo ku haboon inay qabtaan shaqooyinka hoos ku qoran.

  1. Mahsruuca Biyaha Degmada Sheekh. LIFAAQ LAMBAR: SH/05/11

Documentiga qandaraaska waxa laga helayaa Golaha Deegaanka laga bilaabo taariikhda: 18/09/2011 ilaa 02/10/2011, qiimaha qabashada qandaraaskuna waa $10. Qandaraaslayaashu waa inay ku soo lifaaqaan codsigooda  rasiidhka lacagta lagaga qabtay.

Documentiyadda qandaraasyada dhammantood waa in loo diyaariyaa, iyadoo la raacayo tilmaamaha la siiyay qandaraaslayaasha iyo qoraalada kale ee halkan ku xusan.

Qandaraasyada oo dhan waa in lagu soo gudbiyaa sadex nuqul, waxaana lagu soo hagaajinayaa :

XAFIISKA XOGHAYNTA, XOGHAYAHA FULINTA AMMA

Email, ak3181@hotmail.com

Ka hor wakhtiga 08:30 am taariikhda 02/10/2011

 

Qandaraaska documentigiisa waxa la furayaa

(taariikh 02/10/2011 (wakhtiga 10-30 ilaa 04:30 pm)

Furitaanka qandaraaska waxa goobjoog ka ahaan doona iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiillada qandaraaslayaashu danaynaya.

Qandaraaslayaasha waxa loogu yeedhayaa inay yimaadaan shir qandaraas, 3 cisho ka dib maalinta qandaraaska la naadiyo, taariikhda; 21/09/2011, wakhtiga 09:00 subaxnimo. Goobka: hoolka shirka dawladda hoose, si loogu faahfaahiyo wixi macluumaad ah ee ay uga baahanyihiin qandaraaska.

Shuruudaha loo baahanyahay in lagu lifaaqo Qandaraaska.