Berbera-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa beeniyay inuu diiday shirka deegaanka Dubur oo beesha Ciise Muuse iclaamisay inay qabsanayaan 29-ka bishan September.
Badhasaab Ramaax oo caawa ka hadlay Telefiishanka xukuumadda, aya daboolka ka qaaday inaanu ka xumayn shirka beeshaasi ku qabsanayso deegaanka Dubur, isagoo sheegay in warbaahintu kaga been abuurtay hadal uu Telefiishanka habeen hore ka sheegay in shir Horumarinta Goboka Saaxil lagu qaban doono magaalada Berbera bisha December ee dhammaadka sanadkan, islamarkaana aanay shirkaasi wax lug ah ku lahayn shirka Dubur ee uu yahay mid horumarinneed.
Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maxamuud Cali Saleebaan, waxa uu warbaahinta u soo jeediyay inay iska hubsadaan waxa ay masuulliyiinta qqaranka ka faafinayaan oo aanay ka been sheegin, taasoo keeni karta buu yidhi ‘is-necbaysi bulshada iyo madaxda dhexdooda ah oo kala fogaynaysa shacabka iyo xukuumadda.
Halkan ka dhegayso
[audio:http://www.berberanews.com/wp-content/uploads/2011/09/badhaasaabka-saaxil.mp3|titles=badhaasaabka saaxil]
Berberam, Somaliland
Email, info@berberanews.com