Chief Caaqil Axmed Ibraahin Maxamed (Ilbir)
Waxaan xasuusinaya xil-dhibaanka markii uu isagoo ah maayarka degmada sheekh uu rasaaseyey saldhigii booliska kana dhaceen dhimasho ,in gudoomiyaha gobolka yahay cidii siisay magan-gelyada markii uu kaba la;aanta kaga baxay degmadii uu xukumayey,sidoo kale waxaan xasuusinaya tacabkii xiligii doorashada uu ku gaadhey xil-dhibaanka.
Waxaan leeyahay maxamedow waxaad noqotey kii uu ka gabyayey ina nuur fadal ‘ABAAL LAAWE’ waxaa kuu caado ah inaad weligaa fuuusho xigaalka iyo hadba reerka cida xilka haysa.
Dhinaca shirka beesha ee hada aad ka hadleyso waxad ahayd xil-dhibaanki ugu horeyey ee ku tikmaamey xaaran ,maanta adigaa hogaaminaye goor muu xaga xalaal ka noqday mar labaad shirkan aad tilmaamtay miyaanu ahayn kii ay cuqaasha beeshu ku sheegen in looso celiyo dhaqanka farahana kala baxaan kooxda aad ka mid tahay ee danta gaarka ka leh.
Shirkan aad ku eedeysay badhasaabka gobolka waa shirkii caadiga ahaa ee huromarinta gobolka ee maaha shir khuseeya beeshaba waana laga wada warhaya,waxaan kaa idhi taas weligaaba cidlaad ka booda,miyaanad xasuusney ninkaaga ku sheegaya gobolka mid ka xaalad hooseya muqdisho markii uu madaxweynuhu ka amaaney waxqabadka gobolka iyo hurumarka uu gaadhey barlamaanka hortiisa waa kii isagu ka kacay goormaad adigu daneysay hurumarka gobolka.
Haddii aad ku sheegtey in gobolka uu taariikh xun ku lahaa waa la ogyahay inuu ku lahaa sumcad oo uu ahaa ninkii ugu horeyey ee gaadiidka badda oo dhan ka ahaa wakiilka usoo jiiday Somali-land iney yimaadan.ganacsatada dalkana u ahaa wakiil lagu hirto,halkan aad tidhi khudbad baanu ku tijaabiney oo kulmiye ku qaatey kun khudbadood ayaa lagu qaadan waayey,maantana gobolka waxii uu ka qabtey ayaa ku filan marag kac.
Mudada aad u qabateyna maaha mid gacanta kugu jirtee ma caadadadii suufiyada ku sheegtay,miyaanad ahayn adoon awoodaha iyo shaqada alle qirsan.
Guntii iyo geba-gebadii hadalkayga waxaan leeyahay shir iyo beesha dhexdeeda ha ku marmarsoone waxii aad tobanka sano beesha u haysay waa laga sugayaa tan aad leedahay waa inoo dhaqan maaha mid adiga kolaba kuu hiikin doonte waxaa lagu yahay diyaar
Chief Caaqil Axmed Ibraahin Maxamed (Ilbir)