Dawladda Itoobiya Oo Ciidanka Socdaalka Somaliland U soo gacangelisay Tahriibayaal Somaliland iyo Somaliya u dhashay

Wajaale (Berberanews/):- Taliyaha laanta socdaalka degmada Wajaale Maxamed Cabdi Gaas ayaa shalay Ciidamadda ammaanka ee dalka Itoobiya kala wareegay 53-qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dawlada Itoobiya hore uga soo qab qabatay xuduudda dalkeedu la wadaago Suudaan.

Subaxnimadii hore ee maanta, ayaa dadkan la soo gaadhsiiyay laanta socdaalka Somaliland ee magaalada Wajaale kuwaas oo u badnaa dhalinyaro. Dhalinayaradan oo ay wadeen ciidamada Ammaanka ee Ethiopia ayaa waxa si rasmi ah lagu wareejiyay, Taliyaha laanta socdaalka ee Gobolka Gebilay Maxamed Cabdi Gaas, oo ay wehelinayeen Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamadda kala duwan ee ammaanka Somaliland oo dadkaas tahriibayaasha ah ka soo kexeeyay Dhinaca  Immigration ka Ethiopia, ka dib na u soo tallaabiyay dhinaca Somaliland. Waxaana mid mid looga diiwaan galiyay xarunta laanta socdaalka Somaliland ee magaalada Wajaale.

Taliyaha laanta Socdaalka ee Gobolka Gabiley Maxamed Cabdi Gaas  ayaa sheegay in dadkani ahaayeen tahriibayaal taas oo macneheeduna yahay qof ama dad ka dhuuntay Immigration-ka sharci la’aana ku socdaalay, haddii ogaan lahaayeena anay baxeen waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Saaka waxaa ina soo gaadhay 53 Tira guud horena ilaa  280 baan haynaa ilaa dhawrka todobaad ee ina dhaafay imika.’’ Ayuu yidhi taliyuhu.

Taliyaha oo la waydiiyay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa dhalinayarada tahriiibka ee ka baxda xuduuda Somaliland una baxa dhanka Ethiopia ayaa kaga jawaabay “Kolay, marka Tahriib la yidhaahdo macneheeda waa layaqaanaa, Immigretionku wuxuu ka shaqayeeyaa waxaa sifaha socodka sharciga ah, ka Imagarayshanka soo maraa tahriib maaha,Tahriibi waa mida aan soo marin imigarayshinka ee sida qarsoodiga ah dalka uga baxda markaa haddaan la socon lahayn may baxeen Tahriibtu waa waxay ka dhuumatay xuduudii ay labada dal wadaagayeen anaguna maanu arag imigarayshinka Ethiopia-na may arag markaa tahriibayaal bay ahaayeen markii la helayna waatan laynoo keenay.’’

Mar Taliyaha wax laga waydiiyay in dadkan ay waraysteen in tacadiyo loo gaystana wax uu sheegay inaanay jirin wax tacadi ama jidh-dil ah oo loo gaystay. laakiin qof tahriiba oo la qabtay uu dhibtiisa leeyahay oo lacago ganaaxa iyo dhiba kaleba ay ku dhacayaan, ayuu yidhi taliyuhu.

Tahriibayaashan oo intooda badani ay qarinayeen wajiyadooda iyagoo diidanaa kamaradaha iyo in wax la  waydiiyo ayaa C/fataax C/qaadir Maxamed oo ka mid ahaa dadkaa tahriibayaasha ahii waxa uu Suxufiyiin ka socday Telefishanka Royal uu u sheegay in ay muddo afar bilood ah ku xidhnaayeen dalka Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay in laga qaatay Telefoonadii ay siteen iyo lacago loo sheegay inay yihiin ganaax Immigration-ka ah. Guud ahaan isagoo C/fataax ka hadlaya wixii soo maray waxa uu yidhi, “Waxaanu la kulanay nolol aan caadi ahayn oo dhibaato badan oo culus, sideedaba Xukun maxkamaddeed baa nala geeyay afar bilood baa nalagu xukumay, afar bilood  ka dib afartii bolood waxay noqotay 80 cisho, sideedankii cisho markay noo dhamatay waxa naloo sheegay in kharashka, Immigration ka (ganaaxa) nalaga bixaanayo Immigration kii haddana markii nala keenay waxay noogu jawaabeen inaanu isku bixino lacagta annagu, markii aanu bixinaynaa waxaynoo sheegeen in aanu Jeelka, ku sii jiri doono, dib ayaanu eheladayadii ula hadalay oo lacago naloo soo diray ka dibna waa nala soo qaaday.” Ayuu yidhi C/fataax C/qaadi Maxamed oo ka mid ahaa tahriibayaasha reer Somaliland ee shalay la keenay magaalada Wajaale.

C/fataax waxa kale oo uu sheegay in sababta ay u tahriibeen ahayd iyagoo loo sheegay in dagaalada ka socda Libya ay fursad u helayaan sidii ay Yurub u tagi lahaayeen. Dhalinayaradan tahriibayaasha ah ee laga soo qabqabtay xadka u dhexeeya dalalka Suudaan iyo Itoobiya ayaa waxa ka dib markii magacyadooda laga diwaan geliyay Xarunta laanta socdaalka ee Degmada Wajaale ay si xor ah u galeen magaalada, hasa yeeshee waxa laga dheehan karayay wajiyadooda diif iyo daal badan, waxa kale oo jiray qaar eheladooda iyo waalidiintoodu ku sugayeen goobtaas oo ay is raaceen. Laakiin kuwa ka soo jeeda dhinaca dalka Somaliya ayaa laga dareemayay murugo iyo werwer badan.

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Daralla066@gmail.com