Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn in doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu sheegay in aan la garanayn halka ay xukuumaddiisu u wado siyaasada arrimaha dibada.
Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu maata ka jeediyay shir ay xisbiyadda UCID iyo UDUB ku yeesheen Magaaladda Hargeysa.
Ugu horayn Eng Faysal Cali Waraabe oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Dawlada cusub ee Madaxwayne Siilaanyo madaxda u yahay meel ay wax u waddo garan mayno, siyaasadda arimaha dibada saddexda xisbi warqad ayay soo saari jireen marka ay noo imanayaan ajaanibku oo waanu wada saxeexi jirnay, dawlada waanu wada showri jirnay mowqifkeena, ictiraafkeena iyo gooni isu-taageena, laakiin hadda lanagalama tashado, shacabka Somaliland waxaanu u sheegaynaa waxan socda ee luuq-luuqowga ah anagu masuul kama nihin raalina kama nihin sida ay wax u socdaan. Maanta inaga iyo Gal-mudug iyo Garoowe wax inoo dhexeeeya ma jiro”
Isaga oo hadalkiis sii wata waxa uu yidhi “Waxa la isku keen yidhaahdaa dawlad goboleedyo, naftiina waxba been ha u sheegina oo ha odhanina wakiilka Somaliland iyo Somalia, ee waa wakiilka Somalia Mahiga, wax inoo yimaada oo dhami waa wakiilo Somalia ah, laakiin maaha Somaliland, nin kaadhka aqoonsigiisa ay Somaliland ku taalo ma jiro, markaa inaga, Galkacayo iyo Garoowe isku mid ayaynu nahay, arinteeniina waxay ku soo ururtay la-dagaalanka argagixisada, wax kale oo ka hooseeyaa ma jiraan, wixii la inoo balan-qaadayna daaqada ayaa laga tuuray dawladuna way ogolaatay in wixii la inoogu balan qaaday daaqada laga tuuro.”
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu intaas ku daray “Markaa danta waynu wada leenahay, waxaanuna xaq u leenahay in wixii dalka ka socda ee masiirka dalka ah inaanu ogaano xaq ayaanu u leenahay, haddii meel la idinka tuuro anaga hana eersanina, suuq madow ayaa socda, ilaa Madaxwaynaha waxaan ogahay in been loo sheego, waxaanan ogahay in Madaxwayne Siilaanyo siyaasadda arimaha dibada iyo waxa dibada ka socda aan xaqiiqda looga waramin, oo waxa runta ah ee masraxa yimaada iyo waxa loo sheegaa inay kala jaad yihiin ”
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn in doorasho dalka ka qabsoonto waxaanu yidhi “Rayaale ayaynu caayeynay isaga oo afar doorasho hirgaliyey, car Siilaanyo mid ha hirgaliyo, haddii Siilaaanyo mid hirgaliyo taariikhdaa sheegi doonta, waxa ka markhaatiya inaanu hirgalinaynayn. Ninka intuu fadhiistay saddex sanadood u kordhiyey Baarlamaankii ee haddana Guurtidii afar u kordhiiyey ee hadana yidhi doorashada halagu galo diiwaangalintan diyaar uma ah doorasho”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com