Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Ajandaha kalfadhigooda 16-aa, kadib markii lagu sameeyay kaabis iyo wax ka bedel. Fadhigan oo uu Shirguddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Ajandahan kalfadhiga 16-aad ee Golaha wakiilada ayaa lagu ansixiyay 38 Mudane oo ogolaaday, waxaa diiday hal Mudane halka ay afar Xildhibaan ka aamuseen isla markaana aanu gudoomiyuhu codayn.
Qodobada ajandaha kalfadhigan ayaa ka kooban Warbixinta shirgudoonka iyo gudiyada golaha iyo mashaariicda sharci ee golaha horyaala waxaa kale oo ajanduhu xambaarsan yahay laba iyo toban qodob oo kala ah sidan :-
- Warbixinta Xisaab Xidhka dawlada ee 2010-ka 2. Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgalyada guud 3. Xeerka nabadgalyada wadooyinka 4. Xeerka biyaha 5. Xeerka iibka hilibka 6. Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka baanka 7. Xeerka baanka islaamka 8. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka 9. Wax ka bedelka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha 10. Xeerka Saxaafada 11. Xeerka Ciyaaraha 12. Xeerka Ciqaabta Guud Waxaa kale oo intaas soo raaca Ansixinta Mas’uuliyiinta Qaranka, u Yeedhista Mas’uuliyiinta Qaranka iyo Wixii kale ee soo kordha.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com