Hargeysa: Ammaanka oo aad la adkeeyay iyo Boolis Haweena oo markii ugu horaysay jidadka lagu soo dhoobay

Hargeysa, 19 September 2011 (Berberanews):- Xaalada ammaanka ee magaalada Hargeysa ayaa si wayn kor loogu qaaday waxaana la arkayay ciidamo badan oo la dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada kuwaas oo baadhitaan ku samaynayay gaadiidka kala duwan ee isaga goosha jidadkaas.
 
Caawa waxa qof kasta oo hore u joogi jiray magaalada Hargeysi uu si wayn u dareemayay ammaanka waddooyinka waaweyn ee magaalada oo la adkeeyay waxaana markii ugu horaysay jidadka qaarkood lagu arkayay haween boolis ah oo ka qayb qaadanaya sugida nabad galyada iyo baadhista gaadiidka kala duwan. Inkasta oo aanay jirin wax cabsi muuqata ah oo ciidamada boolisku muujiyeen ama ay tilmaamahoodu muuqdaan, haddana sida ay sugida ammaanka dalka ugu xil saaran yihiin ayay u adkayn karaan marka loo baahdo.
 
Waddooyinka waaweyn ee caasimadda Hargeysa waxa inta badan xiliyada habeenkii ku sugan kooxo ciidamadda ammaanka ka tirsan oo gaadiidka xiliyada habeenkii gaar ahaan saacadaha danbe baadha. Waxyaabaha dadweynihii kala duwanaa iyo wadayaashii gaadiidka indhahooda soo jiitay kuna cusbaa ayaa ahaa haween boolis ah oo baadhitaanka gaadiidka markii ugu horaysay ka qayb qaadanayay. Haweenkani waxay ahaayeen kuwo gaawaadhidii ay baadhayeen u fatishay si mug leh, meel kasta oo suura gal ay tahay in gaadiidka wax lagaga qarin karana baadhayay.
 
Qaar ka mid ah dadkii kala duwanaa ee ku sugnaa goobaha haweenkaasi wax ku baadhayeen oo wargeyska Ogaal fikradahooda wax ka waydiiyay ayaa ka bixiyay fikiro aad iskugu dhow ka bixiyay isla markaana muujiyay kalsooni iyo soo dhawayn, dhiiri galin leh oo ay u jeedinayaan haweenkaas booliska ah, “Caawa Baabuurtii waxaa baadhaya boolis dumar ah, oo aad moodo inay ka karti badan yihiin nimankii booliska ahaa ee ku odhan jiray istaag oo laydhka gudaha shid, ka dibna ku odhan jiray waxoogaa lacag ah noo dhiib, lakiin dumarkani Baabuurta waxay baadhayaan ilaa dacsadaha, xadaa hadii aad shandad yar sidato way baadhayaan.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka kala duwan ee isaga gooshayay waddo ay ku sugnaayeen haween boolis ah oo gaadiidka baadhayay. Dirawalkan ayaa watay gaadhi tagsi nooca loo yaqaano indho-cadaha ah.
 
Mid kale oo ka mid ah dadka gaadiidleyda ah oo isna fikirkiisa ka bixinayay haweenkan booliska ah ayaa waxa uu yidhi, “Caawa waddo kasta oo aad marto Dumar ayaa si aad u foojigan wax u baadhaya ee maxaa jira talow.” sidaas waxa yidhi nin watay gaadhi saaruf ah. Haddii aynu in yar u soo noqono haweenkaas iyo halku dhegyada ay isticmaalayeen waxaa ka mid ahaa, “Istaag laydhka hore iyo ka dambaba shid, alaaabtaas aad sidatana fur si aan u baadho, xaga dambe maxaa kuu saaran, soo dag oo kaalay fur xaga danbe.” Sidaas waxaa tidhi mid ka mid ah haweenka booliska ah oo labisan dharkii tuutaha ahaa, kana mid ahayd wakhtigaas hurin meel jidadka magaalada Hargeysa ka mid ah wax ku baadhayay.
 
Qof ka mid ah dadkii caadiga ahaa ee jidka haweenkani wax ku baadhayeen ku haysta meherad ganacsi oo aad ugu dhow oo ka hadlaya sida uu arko talaabadan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo wax badana ay soo kordhin karaan, waxa uu xusay inay ka karti iyo dedaal badan yihiin booliska kale ee raga ah, sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxyaabo badan oo booliska raga ahii ka gaabinayeen ay fulinayaan oo baadhistoodu aanay istaag iyo laydhka shid oo kaliya ku koobnayn.
 
Ganacsadahan ayaa sheegay in waxa kaliya ee u baahan in la farsameeyaa tahay, gaadiidka oo is gaadhaya, taasna ay u baahan yihiin in dhawr qof dadka wax baadhayaa noqdaan si loo fududeeyo waddo marista iyo isu socodka gaadiidka. Isku soo wada duubo booliska qaybtooda haweenka ah ee baadhista iyo fatishaada gaadiidka habeenkii xalay fulinayay ayaa ka sakow marka laga yimaado inay ahayd wax ku cusub dadka, haddana la dareemayay karti iyo hawl qabad ka sareeya baadhistii iyo joojintii gaadiidka ee hore u socday, waxaanay shacbiga caasimadda laga dheehan karayay soo dhawayn iyo dareen riyaaq leh oo ay u hayaan hawsha ay gudanayaan haweenkaas ciidamada ammaanka ka tirsan ee markii ugu horaysya jidadka ka hawl galay.
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com Reporter
Daralla066@gmail.com