Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Saaxil oo soo dhaweeyay Magacaabista Gudida qabanqaabada tartanka gobollada

Saaxil -(Berberanews)- Isu-duwaha Wasaaradda dhallinyarada iy ciyaaraha gobolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan, ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddida qabanqaabada tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee uu magacaabay wasiirka wasaaradaasi.

Isu-duwuha oo ku sugan degmada Sheekh, ayaa shebekadda Berberanews soo gaadhsiiyay dhamaal uu ku hambalyeeyay magacaabista gudida ciyaaraha gobollada, kuna hambalyeeyay Wasiirka dhallinyaradda iyo ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiya.

Isudaha wasaarada ciyaaraha ee gobolka Saaxil, waxa uu sheegay baaqashada tartan-ciyaareedkii gobollada Somaliland oo aan dhawr sano la qabani uu niyad-jab ku keenay bahda ciyaaraha jecel iyo is-dhexgalkii gobollada.

Nuqulkaas oo dhammaystirana waxa uu u dhignaa sidan; “Aniga oo ku hadlaya afka bahda ciyaaraha ee Gobolka Saaxil Waxaan marka hore u gudbinaya Wasiirka Hanbalyo ku saabsan  ku dhawaaqista xiliga cayiman ee qabashada ciyaarahaolada dalka ,iyadoo sanadahan u dambeeyey aan la qaban, niyad jab-weynina  ka soo waajahay bahda ciyaaraha,sido kale waxaan ku hanbalyeynaya magacaabista Gudiga qaban-qaabada ciyaaraha. Madaxna uu ka yahay  Gudoomiyaha   rug-cadaa dhinaca ciyaaraha ah mr. Mubaarig Yuusuf Cilmi .

 Mar labaad anigoo  ku hadlaya macaga  bahda ciyaaraha iyo dhaqanka ee gobolka Saaxil dhamaan ciyaaryahana dalka ,gaar ahaan inta u safan-doonta ciyaaraha gobolada  waxaan gaadhsiinaya hanbalyo iyadoo ay  tahay  inaan la qaybsado farxada bahda ciyaaraha ee ka qayb-qaadan doona ciyaaraha is araga gobolada ee wasiirku u cayimay 20/11/2011 waxaan kaloo leeyahay cimri iyo caafimaadku gaadha.

 Waxaa hubaal ah in ciyaaruhu qaybka yihiin qaybaha hurumarka dalka  iyo jihaynta da’yarta,  isdhexgalka bulshada ku kala nool gobolada dalka iyo la dagaalanka qabyaalada .

Waajibna tahay in xil-weyn layska saaro,inagoo dadaal dheer ugu jira sidii ay da’yateena u gaadhsiin lahayn heer ay kaga qayb-galaan ciyaaraha gobolka ‘Afrika’ iyo caalamka intiisa kaleba.

Run ahaantii waa kaalin aan gaadhi karno, una baahan dadaalkeeda. waxaan guud ahaan bahda ciyaaraha ku boorinaya in hamigoodu aanu ka gaabin iney halbeega saran himillada fog.” ayuu yidhi Shaafici Jaama Aadan.

Berberanews.com

Degmada Sheekh, Saaxil