Mudanaha Cusub ee Buuxiyey Xubinnimadii Wasiir DuurBanneeyey oo ka Warramay Dareenkiisa

Hargeysa (Berberanews)- Md. Siciid Cartan Cismaan oo ah xildhibaan cusub oo ku biiray Golaha Wakiillada, isla markaana beddeli doona Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur)oo dhawaan Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Daakhiliga Somaliland, kadib markii uu xilkaas iska casilay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa markii ugu horreysay shalay ka warramay aragtidiisa masraxa cusub ee uu fuulay iyo qorsheyaashiisa siyaasadeed.

Md. Siciid Cartan oo Jamhuuriya ugu warramay shalay xarunta Golaha Wakiillada, waxa uu ha ka hadlay siduu u arko xildhibaannimadiisa cusub, waayo-aragnimada uu u leeyahay siyaasadda, waxyaabaha uu danaynayo inuu ku soo kordhin doono golaha uu ku biiray iyo aragtidiisa ku aaddan xaaladda dalku ku sugan yahay xilligan.

Haddaba, warraysigan oo aad u xiiso badan, isla markaana lagu waydiiyey su’aalo kala duwan, waxa uu isaga oo dhammaystiran u dhacay sidan:

Su’aal: Xildhibaan; waxaad tahay xubin cusub oo Golaha Wakiillada ku soo biirtay, waxaanay beddeshay Md. Duur oo iminka ah Wasiirka Daakhiliga, xisbina ka soo wada jeedeen, maadaama aad ku biirtay golahaas bal aragtidaada si kooban u iftiimi?

Jawaab: Runtii si fiican baan u arkaa in aan ku biiro Golaha Wakiillada, sababto ah halkani (Golaha Wakillada) waa gole xeer-dejineed oo wuxuu ansixiyaa kolba wixii danaha qaranka ah, sidaa darteed waan ku faraxsanahay xubinnimada Golaha Wakiillada.

S: Golaha Wakiilladu waa meesha laga hago siyaasadda iyo dalka, adiga ma kula tahay inaad la qabsan doonto. Waxa kalood ka warrantaa haddii waayo-aragnimadaada siyaasadeed iyo taariikhda aad ku leedahay masraxa siyaasadda dalka?

J: Horta si fiican baan ula qabsanayaa, waayo nin masraxa siyaasadda ku cusub ma ahi, sababtoo ah 1997 waxaan ka mid ahaa ergooyinkii nabadaynta ee 5 bilood u fadhiyey nabadaynta beelaha Somaliland, markii dambena waxaan xilal badan ka soo qabtay xisbiga UDUB waxaanan ka mid ahaa aasaasayaashiisii, markii dambena golaha dhexe ka mid noqday. Waxaan sidoo kale ahaa Xoghayaha Gobolka Saaxil, sidaa awgeed waan la qabsanayaa siyaasadda golaha ka socota, sababta oo ah waxaan ahay nin mar walba la socday 20 sannadood ee ugu dambeeyey hadba heerka siyaasiga iyo bulsho ee dalku marayo.

S. Maxaad u malaynasaa inaad Golaha Wakiillada ku soo kordhin doonto, se hal-ku-dhig nooce ah ayaa lagugu xasuusan doonaa, maadaama aad tahay xubin cusub, isla markaana laga sugayo tallaabooyin iyo fikrado cusub?

J: Waxaan ku soo kordhin doonaa kolley waxaan ahay nin aad iyo aad u daneeya Somaliland iyo shacabkeeda, markaa waa inaan noqdo nin danta shacabka iyo dalkaba ta’kiida, maadaama aan ahay nin la soo doortay waxaan rajaynayaa inaan noqdo nin danta shicibka Somaliland ku adag, wixii dan aan u ahayna dib isaga taaga.

S: Ma u malaynaysaa in adigana xil laguu dooran doono oo ay kugu soo fool yeelato inaad wasiir ka noqoto xukuumadda Siilaanyo, sida ku dhacday Md. Duur ood isku xisbi ahaydeen, maanta ka mid ah xukuumadda KULMIYE?

J: Maya anigu waqtigan diyaar u ma ah. Insha Allaah waxaan rajaynayaa inaan muddada golaha u hadhay inaan xubinimadayda ku ekaado oo aanan u hanqal taagin wax kaloo xil ah.

S: Waxaad nooga warranta aragtidaada ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee waqtigan dalku ku sugan yahay?

J: Xaaladda dalku ku sugan yahay waxaan u arkaa inay tahay mid wanaagsan, markaa wax xaalad siyaasaddeed oo xun amma cunfi siyaasadeed oo ka jiraa ma jiro, roobabkiina way inoo da’een, jawiga Somaliland ku sugan tahayna waa mid fiican oo waxay u muuqataa inay xaalad wanaagsan ku sugan tahay.

S: Xildhibaan; maxaad jeceshahay saaxibaddaadda aad ku biirtay ee Golaha Wakiillada, shacabka, fulinta iyo garsoorka inaad u soo jeediso amma aad ugu baaqdo?

J: Waxaan u soo jeedin lahaa in si wadajir ah loo wada shaqeeyo, waayo lama kala maarmo Barlamaanka, garsoorka iyo xukuumadduba ma kala maarmaan oo shacabkay u adeegaan. Waxaan ku adkaynayaa in si wada jir ah loo wada shaqeeyo gamco wada jirbay wax ku qabtaane oo danta Somaliland laga wada shaqeeyo, sababta oo ah waxaynu nahay dal yar oo aan dhaqaalihiisu fiicnayn oo aan is jiid-jiidasho siyaasadeed gali karin.

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com